Cajiib: Murashax Faysal Cali Waraabe Oo Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle U Saadaaliyey In Uu Maalin Maalmaha Ka Mida Noqon Doono Hogaamiyaha Qaranka Somaliland

“Guddoomiye Sharmarke Axmed Geelle Waa Xiddig Soo Baxay Oo Bahasha Madaxtinimadda Ah Lixdan Jirka Uun Laguma Helo Ee Sidiisa Ayaa Yaraanta Lagu Bilaaba, waxaynu arki doona maalin maalmaha ka mida isaga oo….” Murashax Eng. Faysal Cali Waraabe

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Mucaaridka ee UCID Murashax Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha ee Somaliland md sharmarke Axmed Muxumed Geelle ku tilmaamay xidig ka soo dhex baxay dhalinyarta reer Somaliland isla markaana maalin maalmaha ka mida la arki doono isaga oo hogaaminaaya qaranka Somaliland.

Guddoomiye  Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta hadal ka jeedinaayey Ardayda ka qalinjabisay Jaamacadda Horn International oo madax badan oo Qaranka Somaliland xilal kala duwan ka haysa kala qaybgaleen, ayaa halkaasi cod dheer kaga markhaati kacay dedaalka iyo kartidda hawlaha qaranka uu u hayo  masuulka dada yar ee guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland md sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isaguna madashaasi ka soo qaybgalay, waxa uu Faysal inshaaray inay dhalinyarta reer Somaliland ku daydaan Sharmarke Geelle oo uu farta ku fiiqay in maalin maalmaha ka mida la arki doono isaga oo qaranka Somaliland hogaamiye ka noqon doono hadii la noo laado.

Murashax Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayey shaqsiyadda halyeynimadda iyo mustaqbalka ifaaya leh ee masuulka dada yare ee Guddoomiye md sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu yidhi  “Horta Sharmarke yare (Sharmarke Axmed Muxumed Geelle) waa Xiddig soo baxaysa (Rising Star) oo aan jeclahay in dhalinyarta Somaliland aad ku wada dayan doontaan, bahasha hogaanimadda iyo madaxnimadda 50 jirka iyo 60 jirka kuma timaado ee yaraanta ayey ku soo bilawdaa, kolka Sharmarke waa hogaan soo socda Ishaalaah, waxaynu arki doona maalin maalmaha ka mida isaga oo masuul sare ah Ishaalaahu tacaala ee ku dayda walaalayaal” Murashax Faysal Cali Waraabe