Deg-Deg-Dooxa Huluuq Ee Ka Sokeeya Degmada Arabsiyo Oo Qaaday Gaadhi Rakaab Ah Sababayna Dhimasho iyo Dhaawac.

Hargeisa(GNN):- War Hadda Naga Soo Gaadhaya Degmada Arabsiyo Ayaa Sheegaya in Gaadhi Rakaab Ah oo Noociisu Yahay Markitoo uu qaaday dooxa huluuqeed ee ka sokeeya degmada arabsiyo, Waxaana Goob jooge ku sugan dooxu noo xaqiijiyey in khasaaraha ka dhashay yahay in wadihii gaadhigaasi uu ku geeriyooday halka lasoo badbaadiyey rakaabkii gaadhiga saarnaa oo ay soo gaadheen dhaawacyo isugu jira mid weyn iyo mid fudud.
Inta Badan Dooxan Oo Ah Mid Aad u baaxad balaadhan Ayaa Wakhti Roobaadka Marka Ay Soo Rogmadaan Biyaha Ka Imanaya Deegaanada Sare Sababaa Khasaare noocan oo kale.
Mana aha markii ugu horeysay ee gaadiid noocan oo kale uu qaado dooxani.
La Soco Wixii Warar Ah ee kasoo Kordha Arrintan

Exit mobile version