Halkan Ka Daawo-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Madal Ilyartu Is-qabatay Oo Xisbiga Kulmiye Ugu Fooladeeyey Siyaasiyiin iyo Haldoor Kasoo Digo-rogtay WADDANI

Hargeisa(GNN):-Halkan Ka Daawo- Madal Xisbiga Kulmiye Kusoo Dhaweeyey Siyaasiyiin Xildhibaano Iyo Aqoonyahan Ka Baxay Xisbiga Waddani.
Xisbiga midnimada iyo horumarinta Somaliland ee KULMIYE, ayaa madal si weyn loo agaasimay kusoo dhaweeyey xildhibaanno iyo siyaasiyiin miisaan leh oo kamid ahaa bud-dhigayaashii xisbiyada WADDANI iyo UCID oo si rasmi ah ula midoobay KULMIYE.
Madasha lagu soo dhaweynayey siyaasiyiintan miisaanka leh oo ay hormood u ahaayeen mudaneyaal wakiillada katirsan oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Cabdiqaadir Tukaale, Naasir Cali Shire iyo haldoor kale oo rag iyo haween isugu jira, ayaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxana ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, Ku-xigeennadiisa, xoghayaha guud ee xisbiga, hoggaanka garabka haweenka, wasiirro, xildhibaanno, madax-dhaqameed, taageerayaal iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey xubnaha cusub, isla markaana lagu hogo-tusaalaynayo sida uu xisbiga KULMIYE codkooda iyo cududoodaba diyaarka ugu yahay.
Ugu horrayn xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa si mug iyo miisaan leh xisbiga ugu soo dhaweeyey haldoorka iyo qoorweynta miisaanka leh ee kasoo digo-rogatay WADDANI kunoo soo biirtay KULMIYE, waxana uu sheegay inay yimaadeen madal aan cid gaar ah u xidhnayn oo loo wada siman yahay, balse lagu soo kala horreeyey oo kali ah.
Siyaasi Axmed Muumin Seed oo isaguna kamid ah hormoodka xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna si xishmad leh xisbiga ugu soo dhaweeyey hormoodka cusub ee kusoo biiray, waxana uu sheegay inuu weli maanka ku hayo geeddiigii dheeraa ee uu xisbiga WADDANI kaga soo guuray, isaga oo xubnaha cusubna ugu bushaareeyey inay yimaadeen madal aan cidina ka sheegan doonin.
Haldoor Rag iyo Haween isugu jira oo kamid ah xubnaha cusub ee WADDANI kasoo digo-rogtay, kuna soo biiray xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Rooda Axmed Yaasiin, Faadumo Aadan iyo xubno kale oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday go’aanka ay ku gaadheen inay KULMIYE ku biiraan, waxana ay sheegeen inay cudud iyo cuudba gelin doonaan sidii uu xisbiga KULMIYE talada dalka ugu guulaysan lahaa.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga kusoo biiray, waxana uu sheegay inay dhammaanba xubnaha xisbiga KULMIYE kamidka ah oo kuwa haatan cusubi kamid yihiin ay xuquuq siman ku dhex leeyihiin xisbiga oo aanay jirin cid si gaar ah u sheegan kartaa, isla markaana uu xisbigu hayo jidkii uu qaranka u jeexay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo isagu soo aasaasay xisbiga KULMIYE.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in bulshadu baahi badan u qabto sidii loo hilaadin lahaa mustaqbal ifaya oo lagu kobcinayo dhammaanba kaabayaasha nolosha, isaga oo farta ku fiiqay barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE xambaarsan yahay qoddobo hore loogu sii wadi karo geeddiga uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Siilaanyo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aynu isugu nimi inaynu ka wada hawlgalno in mustaqbalka da’yarteenu uu noqdo mid ka wanaagsan halka aynu maanta joogno oo sida Bani’aadamku u koro aynu u korino dhaqaalaheena, aqoonteena iyo cududeenna, waxa intaas iyo in ka badanina ay ku caddahay Barnaamijka xisbiga KULMIYE.”
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isagu madasha haldoorka cusub lagu soo dhaweynayey soo afmeeray, ayaa bulshada ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isla markaana wada-jirkooda iyo wax wada lahaanshahooda muhiimad gaar ah siiyaan.



Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
Axmed Osman Almis

Exit mobile version