Halkan Ka Daawo-Wafti Uu Hogaaminayo Musharaxa Xisbiga Waddani Oo Si Diiran Loogu Qaabiley Magaalada Boorama Gobolka Awdal.

Borama(GNN_:-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey oo saaka socdaa

l ugu baxay gobalada Galbeedka Somaliland, ayaa si cajiiba oo aan hore loo arag looggu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal.

Shacabka ku dhaqan Boorama, Ayaa Iyagu ahaa kuwo muujiyyey hanaan isbadal doon taas oo ay ku qaabileen waftiga murashax Cabdiraxmaan Cirro Hogaaminaayay .

Taageerayaashan Baaxad Leh ayaa waftiga ku qaabilay calanka astaanta u ah xisbiga Waddani Iyo sido kale caleemo qoyan .

Qaar ka mida odayashii iyo dad weynihii soo dhawaynta bilan ku qaabilay waftiga ayaa sheegay in ay yihiin kuwo maanta diyaar u ah isbadal la mahadiyo taas oo ay kaga tashanayaan xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa.