Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Gurigiisa Kubooqday Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi Waraabe Oo Xanuun U Jiifay Mudooyinkii U Danbeeyay.

Hargeysa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta gurigiisa ku bookhday Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaarabe) oo xaalad caafimaad u jiifay gurigiisa maalmihii u danbeeyey.

Xaaji Cabdikariim ayaa madaxweynaha iyo shacbiga Somalilandba uga mahadnaqay ka warhaynta xaaladiisa, sidoo kalena waxa uu xaajigu u duceeyey qaranka iyo shacbigiisaba, dhinaca kale marwada xaajiga ayaa uga mahadnaqday madaxweynaha bookhashada uu ugu yimid xaajiga. Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka xanaanada xoolaha md Cukuse iyo suldaanka guud ee beelaha Somaliland.