Madaxweynaha Qaranka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Magaalada Hargeisa Loogu Sameeyey Alle Ha U Naxariistee Xildhibaan C/raxmaan Talyanle.

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo magaalada Hargeysa loogu sameeyey marxuun Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan xubno kamida golaha wasiirada, madaxda axsaabta qaranka, madaxda hay’adaha madaxa banaan, madax-dhaqameedyo, culimo iyo dadwayne tiro badan ayaa ka qayb galay aas qaran oo maanta xabaalaha naasa-hablood ee

magaalada Hargayasa loogu sameeyay marxuun xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo doraad ku geeriyooday dalka Hindiya.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiraanyo leh u diray dhamaan shacabka reer Somaliland gaar ahaana qoyskii iyo qaraabadii xildhibaanka isagoo Madaxweynuhu ku sifeeyay marxuumka inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo dalkan Jamhuuriyadda Somaliland wax weyn taray madaxweynaha oo ka hadlaya shakhsiyadda marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa yidhi “ILLAAHAY naxariistii janno haka waraabiyo marxuumka, shakhsi wanaagsan ayuu ahaa innagana ha inooga daba naxariisto” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Dhamaan madaxdii ka qayb gashay aaska marxuumka ayaa iskaga daba maray shakhsiyadii wanaagsanayd ee marxuum Talyaanle, waxaanay tacsi u direen qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuum.

 

Exit mobile version