Daawo-Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad ay ku soo Dhaweeyeen Jaaliyadda reer Somalialnd ee Imaaraadka.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo soo dhawayn ay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadku ku soo dhaweeyeen isaga iyo masuuliyiin kale oo ku sugan dalkaasi.
Xaflad ka dhacday huteelka Sheraton Dubai Creek ee magaalada Dubai, taas oo Guddoomiyaha ay ku wehelinayeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire) iyo Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiiru-dawlaha Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan iyo Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa halkaasi waxa ku qaabilay boqolaal taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee Imaaraadka.
Masuuliyiintan kala duwan oo hadallo ka jeediyey xafladdaasi waxay uga warrameen jaaliyadda xaaladda guud ee Somaliland iyo hawlaha u diyaargarowga doorashada madaxnimo ee dalka ka qabsoomi doonta 13-ka November 2017, isla markaana waxay ku boorriyeen taageerayaasha reer Imaaraad inay si mug leh qayb uga noqdaan ololaha xisbigu wado, kana qaybqaataan sidii uu xisbigu mar labaad ugu guulaysan lahaa talada waddanka si horumarka ay halkaasi uga sii ambaqaadaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka xisbiga – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

21731024_472192539811137_4091343681106565898_n 21740296_472192646477793_4407015115709660805_n 21740467_472192553144469_4573746432588933560_n 21743099_472192556477802_5283516899989283121_n 21762244_472192733144451_5018482307897702799_n
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad qiimo badan oo uu halkaasi uga jeediyey jaaliyadda reer Somaliland waxa uu kaga hadlay taariikhda kala duwan ee uu soo maray dalku, dhismaha dawladnimada iyo doorkii afartii madaxweyne ee hore mid weliba ka soo qaatay, hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala duwan ee ay ka mid tahay midda madaxtooyada ee soo socota iyo ujeeddada laga leeyahay ee loo baahanyahay inay shacabku mar walba maanka ku hayaan oo ah in dalku ku gaadho horumar, sidaasi darteedna aan lagu salayn qabyaalad iyo caadifad kale toona.