Hargeisa(GNN):-Wasiir Cali Mareexan oo Kulan Diblumaasiyadeed oo Kor-u-qaaday Xidhiidhka Somaliland iyo Turkiga la yeeshay Wasiirka arrimaha Gudaha ee Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu iyo qodobo Mu’hiim ah oo labada dhinac ka wada-hadleen…
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Cali mareexan oo ku sugan dalka Turkiga, gaar ahaan Magaaladda Istaanbuul, ayaa kulan diblumaasiyadeed la qaatay, wasiirka arrimaha guddaha ee Dalka Turkiga Md. Mevlüt Çavuşoğlu
waxanay labada wasiir ka wada-hadleen xidhiidhka labada dal, iyo sidoo kale, kor-u-qaadista wada shaqeynta labada dhinac, waxa kaloo md. Wasiir Cali Mareexan iyo Wasiirka arrimaha gudaha dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu, isku qaableen waji furan iyo gacal-tooyo labada wadan ah, waxanay isla gaadheen in dalalku xoojiyan cilaqaadka ganacsi, iyo tayeynta waxbarashadda, caafimaadka iyo arrimaha kale ee kor-u-qaadaya xagga saameynta bulshadda.
labada wasir ayaa kulankooda ku lafo-guray xidhiidhka Somaliland iyo Turkiga sidii loo sii xoojin lahaa iyo weliba sidii Turkigu door muhiim ah uga qaadan lahaa dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland sida waddooyinka. kulanka oo ahaa mid furan oo ay goob joog ka ahayeen jaaliyadda Somaliland ee dalka Turiga iyo mudaadiniinta Reer Turki.
halkan hoose ka daawo Kulamadda Wasiiradda oo ahaa kuwo furan.