Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Qoorweynta Beesha Deegaannada Labi-sagaale, Wacays-oodane iyo Daba-gorayaale oo Taageero Buuxda u Muujisay Xisbiga KULMIYE

Hargeisa(GNN):-Cuqaasha, Salaadiinta, waxgaradka, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haldoorka beesha Dan-wadaago oo katirsan beelweynta Ciidagale, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay si buuxda u taageersan tahay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Munaasibad hadhimo-sharafeed ah oo ay goob joog ka ahaayeen haldoorka, labeenta, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beeshan ku abtirsada oo maanta lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu casuumay hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu gadh-wadeen u yahay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay wehelinayaan ku-xigeennadiisa koowaad iyo labaad Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, guddoomiyaha golaha dhexe Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), wasiirro, agaasimayaal guud iyo xubno kale oo xukuumadda iyo xisbiga katirsan, waxana ay beeshu shaacisay inay taageero buuxda la garab taagan tahay murrashax Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Xubno kamid ah haldoorka iyo aqoonyahanka beelaha oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay beel ahaan taageerada ugu hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana ay caddeeyeen inay ku qanacsan yihiin xisbiga iyo hoggaanka waqtigan majaraha u haya.
Suldaanka Guud ee beelaha dan-wadaago Suldaan Cawil Fiiqle iyo Caaqil Faajeer oo isaguna kamid ah hormoodka madax-dhaqameedka beesha Dan-wadaago, ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda oo aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, waxana ay badka soo dhigeen waxqabadka taariikhiga ah ee uu xisbigu deegaannada beeshu degto iyo guud ahaanba dalka oo dhan ka fuliyey.
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaacil Cige oo isugana madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa beesha Dan-wadaago ku bogaadiyey sida ay ula badheedhay taageeradeeda xisbiga KULMIYE, waxana uu hoosta ka xarriiqay in codkooda iyo taageeradooduba yihiin mid hoggaanka KULMIYE ku xisaabtamayo.
Wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey taageerada ay beeshani iyada oo isku duuban u muujisay xisbiga KULMIYE, waxana uu ku adkeeyey in maalinta codka la bixinayo si hubsiimo leh loogu codeeyo murrashaxiinta KULMIYE.
Ugu dambayn guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo madasha hadallo bogaadin iyo dardaaran u badan ka jeediyey, ayaa qoorweynta iyo waxgaradka beesha Dan-wadaago oo la badheedhay taageerada ay KULMIYE u hayaan si weyn u hambalyeeyey, waxana uu sheegay inay deegaannada beeshani degtaa kamid yihiin meelaha uu xisbigu sida gaarka ah ugu xisaabtamayo.21765254_947607028710718_2644243240573880376_n 21766320_947607568710664_2318383837201973095_n 21766511_947606988710722_1203671555646101368_n 21766610_947607002044054_3178574883762506208_n 21767915_947606602044094_6723036110528031610_n 21767958_947607798710641_5465545389948851822_n 21767962_947606985377389_2279449046996472936_n 21768488_947607342044020_7405246357308836327_n 22007604_947607282044026_4905285381281015779_n 22007717_947607038710717_6120633265090208558_n 22007775_947608002043954_836328042242376881_n

22050167_947606802044074_8770079960139288008_n 22046858_947606828710738_2081021926927167589_n 22008250_947606795377408_5502037468649053984_n 22007972_947607032044051_5935418518644449957_n 22007903_947607278710693_7449399880895260332_n 22007717_947607038710717_6120633265090208558_n 22007604_947607282044026_4905285381281015779_n 21768488_947607342044020_7405246357308836327_n 21767962_947606985377389_2279449046996472936_n 21767915_947606602044094_6723036110528031610_n 21766610_947607002044054_3178574883762506208_n 21766511_947606988710722_1203671555646101368_n 21765254_947607028710718_2644243240573880376_n

Image may contain: 22 people, people smiling, people standing and shoes