Xukuumadda Oo Ka Hadashay Maayir Ku Xigeenkii Caynaba Iyo Xildhibaanno Kale Oo Xabisaga Loo Taxaabay Iyo Maxkamad La Horgeeyey.

Hargeisa(GNN):-Xukuumadda Oo Ka Hadashay Maayir Ku Xigeenkii Caynaba Iyo Xildhibaanno Kale Oo Xabisaga Loo Taxaabay Iyo Maxkamad La Horgeeyey

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay maayir ku xigeenkii degmada Caynabo iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Golaha deegaanka Caynaba oo ciidamada Amaanka ay xabsiga u taxaabeen maalintii Sabtidii, kuwaas oo lagu eedeeyey inay dagaal gacan ka hadal ah kula keceen maayirka degmada Caynaba.

Masuuliyiintan  Golaha deegaanka Caynaba, ayaa shalay la hor geeyey maxkamadda degmada ee Magaaladda Caynaba, iyada oo ka dibna dib loogu celiyey xabsiga ay ku xidhnaayeen ee magaaladdaasi oo la sheegay inay illaa hadda ku jiraan, waxaanay xukuumaddu sheegtay in lagu qabtay xildhibaanadaasi faldambiyeed iyaga oo gacanta kula jira sharcigana la marinayo.

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Saraar Nuur Qaasim Qodax oo la hadlay Telefishanka HCTV, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey sababta loo xidhay xildhibaanadan, waxaanuu sheegay inay gacan ka hadal kula keceen maayirka magalaadaasi ka dibna ay ciidamada amaanku qabteen oo ay sidaasi ku xidhan yihiin.

Nuur Qaasim Qodax Guddoomiye Xigeenka Saraar oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Meel lagu qaybinayey caawimo ayaa maayir ku xigeenka magaalada Caynaba iyo rag la socday, ayaa waxa dhacday inay gacan ka hadal ku sameeyeen maayirka magaaladda Caynaba, mar haddii gacan ka hadal yimaaddo waxa la wareegaysa nabad gelyada  xildhibaanku xasaanad ayuu leeyahay, laakiin haddii uu faldambiyeed gacanta kula jiro sharcigu wuu qabanayaa, maayirka ayuu qabanayaa badhasaabka ayuu qabanayaa Madaxweynaha ayuu qabanayaa sharcigu haddii uu faldambiyeed gacanta kula jiro, haddii la qaban waayana dembigu wuu ka sii siyaadayaa”