Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Waxaa uu Tacsi Tiiraanyo leh U Dirayaa Ehelkii Qaraabadii Iyo Qaranka Somaliland ee Uu Ka Baxay Alle Ha U Naxariistee Xildhibaan Xassan Cawaale.

Hargeisa(GNN):- Anigoo Ah Xuseen Aadan Xige Deyr Waxaan Doonayaa Inaan La Wadaago Tacsi Tiiraanyo Lehna aan u diro Dhamaan Ehelka Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee Uu ka Baxay Alle Ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan.

Alle Ha U naxariistee Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan Waxaan uu kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Kuwa Ugu  firfircoon,sidoo kale waxa uu ahaa Aqoonyahankii Dedaalka Dheer Galiyey Sidii Shacabka Somaliland Dhinaca Aqoonta uga Horumari lahaayeen,isagoo marxuumku in ka badan Toban sano ahaa Barre Culuunta Xisaabta umada Bara.

Sidoo Kalena aas-aasay Dugsiyo Waxbarasho oo Bulshada ka Anfaca dhinaca Aqoonta,

Nooleba waa Dhinta Waxaan eebe uga Baryayaa Inuu Marxuumka jannadii Fardowsa ka Waraabiyo Ehelkii iyo Qaraabadii iyo qaranka Somaliland gaar ahaa golayaasha sharci dajinta oo uu kamid ahaa samir iyo iimaanba ka siiyo.

Alle Godka Ha U nuuro Su’aashana ha u Dhibyareeyo isaga iyo intii nabi maxamed ah ee Dhimatayba.

Allaa Mahad Leh

 

Afhayeenka Madaxtooyda Somaliland.

Xuseen Aadan Cige Deyr.