Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Somaliland Ugu Baaqay Inay U Diyaar Garawdo Halis Kaga Soo Socota Saldhiga Milatari Ee Turkigu Ka Samaystay Muqdisho.

Hargeisa(GNN):-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yasiin, ayaa ka hadlay halis Somaliland ka soo waajahsay saldhiga milatari ee dalka Turkigu uu ka samaystay shalay magaalada Muqdisho.

Dowlada Turkiga ayaa xadhigga ka jartay saldhigga milateri ee ay ka hirgalisay magaalada Muqdisho. Saldhiggan ayaa waxa uu noqonaya xarunta tababar ee ugu weyn adduunka ee uu Turkiga ka hirgeliyo meel ka baxsan gudaha dalkaasi.

Munaasabadda furitaanka saldhigga oo ay ka qeyb galeen saraakiisha milateriga ee Trurkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, saraakiil ka socda AMISOM, Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta NATO.

Haddaba, madaxweyne-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa Somaliland ugu baaqay inay u diyaar garowdo saldhigaas iyo halista kaga iman karta, waxaanu Axmed Yuusuf Yaasiin yidhi  “Inaga waxa la inooga baahan yahay inaynu Ciidamadeena xoojino, oo aynu dhisno, oo tababar badan iyo awood badan la galiyo, oo  Madaxweynaha soo socda uu muhiim badan siiyo Ciidanka, oo la tayeeyo, hubna loo raadiyo, Saldhigan Milatari ee Turkiguna khatar weyn buu inagu leeyahay, oo xagga nabadgalyadeena ama xasiloonideena ama deganaashaheena, ama xoriyadeenaba,Dawladda soo socotana haddii ALLE idmo waa inay xooga saarta sidii ciidankeena dhinac walba looga dhisi lahaa, waliba la sameeya Ciidankii Cirka, weynu sameeysan karnaa oo weynu soo iibsan karnaa intaas oo Alikabtar, oo wax duqeeya, waana arin aad looga feejignaado arinka Saldhiga Milatari ee Muqdisho ee  maanta soo kordhay, sida aan qabo waa arin saamayn ku yeelan kara mustaqbalkeena, waa inaynu isku tashanaa, oo laga fogaada kala qaybsanaanta iyo qabyaalada,inaga oo la inagu maqan yahay inaynu isku maqnaano waa dhibaato, Madaxweynaha soo socda cida uu doonaba ha noqdaa waa inuu awooda saara dhsimaha Ciidanka, ha noqdaan Ciidanka Dhulka, Ciidanka Badda iyo Ciidanka Cirkaba, si aynu uga hortagno aafo walba oo inagu soo fool leh, horena waan u yidhi in laga yaabo inay maruun inagu soo duulayaan, ee inagana waxa inala gudboon inaynu isa sii abaabulno, oo isku uur samaano”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey inay Somaliland muhiim u tahay inay xidhiidh la sameeyso mid ka mid ah Dawladdaha quwada badan ayaa yidhi “Mar haddii Turkigu Somaliya, gaar ahaan Muqdisho ka dhisay Saldhigiisi ugu weynaa ee dhinaca Milatariga, Somaliland waa inay ka hawl-gashaa sidii ay u noqon lahayd dawladda quwad weyn ama quwad ay ku tiirsan lahayd, Dawlad quwad weyn oo la mid ah Turkiga amaba ka awood badan oo aynu ka heli karno Tababar, qalab iyo huba,  waa inaynu raadinaa, oo aynaan iska fadhiyin”

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlay Doorashada fooda inagu soo haysa ayaa yidhi “Wadankii Somaliya ee aynu dib ugula soo noqonay xoriyadeenii, abaabul buu ku jira, oo waa kaas Turkigu taageer dhinac kasta ahba la garab taagan, ee waxaan u soo jeedinayaa  Xisbiyada tartanka ku jira, Musharixiinta loolamaya iyo Bulshada dooranaysa, in xasiloonida la ilaaliyo, wakhtigana waa wakhtiga kaliya ee laga faa’iidaysan karo inay dalkeena xasilooni daro ku timaado, waxaana ka digay in xasilooni daro dhacdo, waxaana ku talinayaa inay inoo dhacdo Doorasho fiicani, oo nabad ahi, Xisbiyada loolamayana waxaan leeyahay danta guud ka hormariya oo ka horeeysiiya danta gaarka ah”.

Isagoo ka hadlaya digreetada uu Madaxweyne Siilaanyo shalay soo saaray ee arrimaha doorashada iyo xakamaynta hantida qaranka wuxuu yidhi “Sharciga doorashooyinka ee soo baxay 2001, wuxuu dhigayaa in aan lagu ololayn karin hantida dawladda, warbaahinta dawladdana loo sinaado, kolay afrika ayeynu nahay, oo khalad lama waayo,laakiin Afrika Warbaahinta dawladda ciduun baa iska isticmaasha, in hantida qaranka iyo gawaadhida dawladda lagu ololeeyo waa xaaran, inkasta oo markii horeba ay wareegtadan  la dhaqan galiyo, haddana  Madaxweynahana waan ku ayidsan nahay wareegtada uu soo saaray”.