Bangiga Aduunka Iyo Dalka Itoobiya Oo Kala Saxiixday Heshiis Lacageed Oo Dhan $ 1.3 Bilion.

Adhisababa(GNN)Axad, 1da october 2017. Si kor loogu qaado adeegyada horumarineed iyo kuwa kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayaa waxaa dawlada itoobiya iyo bangiga aduunku ay kala saxiixdeen heshiis lacageed oo dhan $ 1.3 bilion doolar. Taasoo isugu jirta labo qaybood oo kala ah taageero iyo dayn iyadoo lacagta taageeraha ahi ay dhantahay 700 oo milion oo doolar meesha 600 oo milyana ay tahay lacag dayn ah oo uu dalku iska gudi doono.

Hadaba, heshiiskan lacageed oo uu dalkeena u saxiixay Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha JDFI mudane Dr Abraham Takesa ayaa sheegay in lacagtani ay waxwayn kaqaadanayso dhinaca adeegbixinta bulshada islamarkaana uu heshiiskani oo kakoobanyahay labo qaybood kaasoo ah dayn iyo taageero, iyadoo lacagta taageeraha ahi ay tahay 7boqol oo milyan oo doolar taasoo dalku u adeegsan doono horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee biyaha, beeraha, jidadka iyo caafimaadka.. wuxuuna xusay in lacagta daynta ahina ay tahay lacag dhan 600 oo milyan.

Sidookale, wakillka baangiga aduunka oo fadhida dalkeenan ethipiopia marwo Misaker lene tariku oo iyadna dhankeeda kahadashay ayaa sheegtay in heshiiskani yimid kadib markii dalka itoobiya uu sidii loo baahnaa ufiliyay qorshayaashii baanka aduunka. Waxayna intaa kudartay in heshiiskani lacageed uu qayb mugleh kaqaadanayo hawlaha horumarka dalka.

Iskusoowada duuboo, daraasaadyada dhanka kobaca dhaqaalaha quseeya ayaa waxaa lagu sheegay in sanadihii ugu danbeeyay uu dalkan itoobiya kamid noqday wadamada kobaca dhaqaalahoodu xawliga ku socdo.