DAAWO:Boqolaal Kamid Ah Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Oo Iskugu Soo Baxay Beerta Xoriyada Magaalada Hargeysa Soona Bandhigay Taageerada Dhul Gariirka Ah Ee Ay U hayaan Xisbiga WADDANI+Sawiro

Waxaana kumanaanka qof ee maanta isku soo baxay ay ku labisnaayeen calanka muuqa dheer ee u gaarka ah xisbida WADDANi,iyaga oos idoo kalena ruxaya calamaanta xisbiga iyo boodhadh ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo ay ku mujiinayaan taageeradooda.
Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” qaar kamid ah hogaanka sare ee xisbiga iyo madax-dhaqameed ayaa khudbado u jeediyey taageerayaasha cir baxa ah ee isku soo baxay maanta.
Waxaana murrashax Cirro uu u mahad celiyey taageerasha maanta cududooda kusoo bandhigay magaalada Hargeysa,sidoo kalena waxa uu soo bandhigay ballan qaadyo uu sheegay inuu fulin doono hadii u talada dalka ku guulaysto,sidoo kalena waxa uu si adag u dhaliilay xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.
Dhanka kael waxa iyaguna maanta goboladda iyo degmooyinka Somaliland si baaxad leh iskugu so baxay taageerayaasha WADDANI,iyaga oo halkaasina kusoo bandhigay taageerada ay u hyaaan xisbiga,waxaana shacabkaasi dabaal dagaasi kala qayb galay gobolada dalka qaar kamid ah hogaanka sare ee xisbiga WADDANI.
GOordhaw filo muuqaalada warkan 

error: Content is protected !!