Daawo:Muwaadin Reer S/land oo Soo Bandhigay Fadeexado Dul Hoganaaya Hogaanka Sare Xisbiga waddani

Hargeisa(GNN):-Muwaadin Qaranka Magac ku leh oo u Dulman Hogaanka Sare ee Xisbiga Xubno ka mida Sakeriye Nuur cabdilaahi Mulkiilaha Shirkada Daabacaada liisamada Baabuuta ee Laftaa ee Somaliland ID Cards Publisher Company ahna Contractarka Ku Guulaystay Heshiishka ay Xukuumada Somaliland la Gashay, wakhtigii uu Wasaarada Maaliyada maamulaayay Wasiir cabdi Casiis Maxamed Samaale halka uu Wasaarada Hawlaha Guud Wasiir ka ahaa C/risaaq khaliif Axmed oo hada ka mida Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani islamarkaana ka haya Xilka Xog hayaha Maaliyada oo ah muwaadin Qaranka Somaliland Magac iyo Maamuus ku leh ayaa soo Bandhigay Fadeexado hor leh oo Dul Hogaanaaya Saraakiil ka tirsan Xisbiga waddani kuwaas oo Awoodo khaladan kaga Faa,iideystay C/risaaq Khaliif Axmed Xoghayaha Maaliyada C/risaaq Khaliif Axmed iyo Bashiir Cabdi Xariir oo isna ah Sarakaal ka tirsan Xisbiga Waddani horana u ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada Hawlaha Guud Masuuliyiinta Ka Tirsan Xisbiga Waddani ayaa ka wakiila Shirkada laga leeyahay Dalka Somalia, Shirkadaasi oo magaceeda la Yidhaahdo Somalia Oil Company Xarunteeduna Tahay Caasimada Somalia ee Muqdisho kuwaas oo Wakhtigii ay Xilka Wasaarada Hawlaha guud hayeen Muwaadinkan u Adeegsaday Awood wasiirnimada . Mulkiilaha Shirkada Daabacaada Liisamada Lafta ee Baabuurta Somaliland , oo maanta Shir Jaraa,id ku Qabtay Magaalada Hargaysa ayaa soo Bandhigay Cadeymo iyo Qoraalo Dhukumatariya oo ku saabsan Xukuno ka soo Baxay Laamaha Garsoorka Somaliland,khaasatan Maxkamada Gobalka Maroodi Jeex iyo warqad Baafina oo Maxkamadu ku Baafineyso Cadeymaha Saamileyda Som Oil inay Keenaan Diwaanka (Rusqada )ay kaga Shaqeeyaan Dalka Somaliland Taasi oo Maxkamadu weyday masuuliyiintani, ayaa Sameystay Cadeymo Been ABuura Sida uu Sheegay Muwaadin Sakeriye Nuur Cabdilaahi Mulkiilaha Shirkada Somaliland ID Cards Sl ID. Geesta kale Muwaadin Sakeriye Nuur Cabdilaahi waxa uu soo Bandhigay Qoraalo iyo Muuqaalo Cadeynaaya Shirciyada uu u haysto in Shirkadan iyo shaqadan uu Isagu Somaliland uga Wakiil yahay oo Xukuumada Somaliland isaga u Saxeexday ka dib markii uu ku Guulaystay Sannadkii 2013 Wakhtigaasi oo uu wasaarada Hawlaha Guud wasiir ka Ahaa Axmed Cabdi Xaabsade,isagoo soo Bandhigay waraaqo Qoraal oo Iftiiminaayaa Hishiishkii Dhex Maray Shirkadiisa SLID iyo Xukuumada Somaliland oo laba Geesooda kaas oo uu ku cadaa Saamiga uu ku laaha oo ahaa Boqolkiiba Toban 10% Halka Xukuumada Somaliland khaasatan wasaarada Maaliyadu ku Leedahay Boqolkiiba Sagaashan 90%. balse uu Si Sharciga ka Baxsan oo Awood Sheegasho ah u badalay una Hakiyay Heshiishkaasi Sharcigaa wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud C/risaaq Khaliif Axmed hadana ah Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga Mucaaridkaa ee Waddani oo isagu ah Wakiilka Shirkada Shidaalka ee laga leeyahay Magaalada Muqdisho oo ah Shirkada Xukuumada Somalia u Aqoonsan tahay inay Shidaalka Xukuumada Somalia iyadu Dalka u Qaabilsan .ee Somalia Oil Company Dhinaca kale Dhukumatarigan uu Muwaadin Sakeriye Soo Bandhigay ayaa waxa ku jira liisa Saraakiil ka tirsan Xisbiga Waddani oo uu ka mid yahay Ex wasiir Ku xigeenkii Hore ee wasaarada Ganacsiga wakhtigan ka mida Musdambeedka Xisbiga Waddani mudane:Bashiir Cabdi Xariir oo isana ku jira Liiska Masuuliyiinta Wakiilka uga ah Somaliland Shirkada Muqdisho fadhigeedu yahay islamarkaana ah Shirkada Xukuumada Somalia u Aqoonsan Tahay inay Tahay Shirkada Dalka Somalia uga Masuula Keenista Shidaalka Dawlada ee Somalia Oil company (SOM OIL). Sakeriye Nuur Cabdilaahi Mukiilaha Shirkada Sameynta Liisamada Lafta ee Baabuurta Jamhuuriyada Somaliland waxa uu sidoo kale Sheegay in Xukunkii Maxkamada Gobalka Maroodi Jeex ka soo Saartay Dacwadiisa oo ay isaga u Fulisay uu ilaa Hada fullintiisa aanay Dhaqan galin isagoo sheegay in talaabadaasi ka Xaniban tahay Dhanka Haayadahii lahaa fulintiisa.

Sakeriye Nuur Cabdilaahi Mulkiilaha Shirkada Sameynta Liisamada Baabuurta ayaa sidoo kale Sheegay in wakhti Xaadirkan Xafiiskiisii guud oo ku yaala wasaarada Hawlaha Guud Dhexdeeda lagala wareegay oo ay hada Maamulaan Shaqaale Gaara oo ka Tirsan Shirkada Somalia Oil kuwaas oo ka Amar Qaata Kor Jooge ka Wakiila Shirkada Somalia(Som oil) kuwaas oo Maalin cad Xoog ku Jabsaday Xafiiskiisa iyagoo u Adeegsaday cawjada iyo Dubeyaal.isagoo ka maqan balse ay cadeeyeen Goob joogayaashii wasaarada iyo Ilaaladii wasaaradu. Mulkiilaha Shirkada Sameynta liisamada Baabuurta ku Qaadatay Qandaraaska.

Sakeriye Nuur Cabdilaahi ayaa u mahad Naqay wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Sam Sam Cabdi iyo Saraakiisha wasaarada maaliyada Somaliland , oo uga Mahad naqay inay u Xafiday Hantidiisi islamarkaan gudi u saartay Xaqiiqo Raadina Gudidaas oo Arintii u gudbisay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo la Awood ah Gudoomiyaha Maxkamada Sare Jamhuuriyada Somaliland soo saaaray Qaraar Kama Dambaysa oo uu ku dhaqan galinaayo Sharciyada Shirkadani.

Geesta kale Mulkiilaha Shirkada Sameynta Liisamada Baabuurta ee Somaliland ,Sakeriye Nuur C/laahi wuxuu sheegay inay Xafiiskiisii guud oo ku Dhex yaala Wasaarada Hawlaha Guud ay Hada gacanta ku Hayaan Koox Ka mida Sahaqaalaha Shirkada Shidaalka ee laga leeyahay Dalka Somalia ee magaceeda la yidhaahdo Somalia Oil Company oo ah Shirkada Maamusha Shidaalka Iyo Haamaha Magaalada Muqdisho oo Xukuumada Somalia uga Wakiila Keenista Shidaalka ,kuwaas oo Xafiiska Jabsaday Maalin Duhura isagoo ka maqan Xafiisa kuwaas oo uu sheegay inay markhaatiyaal ka yahiin Shaqaalaha Wasaarada Hawlaha Guud iyo Ilaalada wasaaradaasi Shaaqaalahan ayaa ka Amar Qaata Kor jooge uu Xog hayaha Maaliyada Xisbiga Waddani , C/risaaq Khaliif Axmed keensaday Wakhtigii uu wasaaradaasi Wasiirka ka ahaa.

Sakeriye Nuur Cabdilaahi ayaa Dhanka kale u Mahad Naqay Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Khaasatan wasiirka wasaaradaasi Marwo Sam Sam Cabdi Aadan isagoo uga Mahad Naqay inay u ilaalisay Hantidiisii kuna tilmaamay Masuul ku Adag Sharciga iyo Ilaalintiisa.

Ugu Dambeyntii Sakeriye  Nuur Cabdilaahi ayaa Sheegay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u Gudbinaayo warqada Qoraala oo ah Dacwad ka dhan Kooxdan Xamar laga Maamulo ee Ka Tirsan Xisbiga waddani warqadaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo kaga Codsanaayo inuu Fara galin Buuxda ku Sameeyo Dacwadiisa una soo Celiyo Shirkadiisa Xisbiga Waddani u gacan Galiyay Dawlada Xamar.

Isku Soo wada Duuboo maaha Markii ugu Horeysa ee ay soo baxaan Fadeexado ku Saabsan in Saraakiil ka tirsan Xisbiga Waddani Hogaankiisa Sare ay Xidhiidh Hoose la leeyahiin Dawlada Muqdisho balse Arintan Ayaa Noqoneysa mid Daboolka ka Qaadaysa dareenkaasi Qaybaha Bulshada reer Somaliland ka Qabaan Xisbiga waddani inuu wali Aaminsan yahay Aragtidii Fashilantay ee Soomaaliweyn.

Shirkadan Sameysa liisamada laftaa ee Baabuurta Somaliland ayaa Noqoneysa Shirkadii Ugu Horeysa ee Nooceeda Laga Hir galiyo Dalka Somaliland tan iyo Markii Somaliland la Soo Noqotay Madaxbanaanideeda Mudo haatan laga joogo 26 Sanno iyo Dheeraad taas oo u Dalka Ka Hirgaliyay muwaadin Sakeriye Nuur Cabdilaahi oo ka mida Dhalinyarada Aqoonta ku Soo baratay Dalka Dibadiisa islamarkaan Sakeriye Nuur ayaa ka mida Dhalinyaradii Qurba Jooga ee Dalka ku soo laabtay Ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo uu Baaq iyo Fariin U diray Guud ahaan Qurba joogta Somaliland,oo uu ugu Baaqay inay Ku soo laabtaan Dalkooda Hooyo kana Sameeyaan Maalgashi Buuxa.

Muwaadinkan Hada u Xaniban Saraakiisha Xisbiga waddani ee gacan Saarka la leh Dawlada Muqdisho ayaa intii uu Dalka Joogay waxyabaha tabarucaadkee ee uu ka Hir galiyay Dalka Somaliland waxa ka mida inuu Sameeyay Calaamadaha Hagida Baabuurta oo uu ka Hir galiyay Madaxtooyada Qaranka Somaliland Horteeda kuwaas oo uu si tabarucaada uga fuliyay iyo waliba Ishaarooyinka taraafikada ee Madaxtooyada Somaliland iyo waliba Sameynta Id kadhiska Muwaadinka ee isna ka Sameysan Lafta oo isna uu ahaa Muwaadinkii fikirkiisa lahaa kana Caawiyay Koomishanka Doorashooyinka Somaliland.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Mulkiilaha Shirkada Sl Id oo ka hadlaaya Arintaasi Soona bandhigaaya Cadeymo

waraqo 22751925_1084861088284290_933901253_n musuqa-Xamar-two