Goob Joogaayaal Ka Socda 24 Dal Oo Kormeeri Doona Doorashada Madaxtooyada Somaliland Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo u waramay wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uusheegay in wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya la bilaabi doono marka ay Somaliland doorato madaxwayne Cusub.

Wasiir Sacad oo wargeyska Geeska Afrika waydiiyay tirada goob joogayaasha dalka u imanaya arrimaha doorashada waxa uu yidhi

“Goob joogayaashu markoodii ugu horeysay ee ay inoo yimaadaan maahee,markaste oo doorasho Wadanka ka dhacdo way yimaadaan,iyaga oo urursan oo abaabulan iyo iyaga oo kali kaliyaba way inoo yimaadan,waxayna u yimaadaan inay markhaati ka noqdaan habsami u socodka doorashadda,hordhacoodiina way joogaan oo iminkaba way la socdaan u diyaar garowga doorashada,maalinta ay doorashadu dhacayso dabcan goobaha codka laga bixinaayo way tagayaan,siday caadadu ahaan jirtayna markay doorashadu dhamaato warbixin bay ka bixinayaan doorashada iyo siday u dhacday.Waxaana Inshaa-allah rajaynaynaa in sidii barigii horeba ahaan jirtay inay iminkana markhaati ka noqdaan,Doorashada oo si nabad ah xor iyo xalaal ah inoogu dhacda.Doorashadani runtii doorashooyinkii hore aadbay uga duwan tahay oo qiimo aad u badan bay inoogu fadhidaa hadii aynu Reer Somaliland nahay,waxa inoo imaan doona 60 goob jooge oo 24 Wadan ka socda,goob joogayaashu aad iyo aadbay u badan yihiin oo warbixintooda oo dhan guddiga Komishanka ayaa haya,balse Qaarad walba way ka imanayaan”.

Wasiir Sacad mar uu baaq u dirayay shacabka iyo madaxda saddexda xisbi Qaran ayaa waxa uu yidhi

 

“Waxaan ku baaqayaa in la ilaaliyo nabadda ,midnimada,Qaranimada,iyo in la dhawro oo la xushmeeyo nidaamka doorashada ee ay inoo dhigeeen guddiga Komishanku,waliba doorashadani doorashooyinkii hore oo dhan way ka wanaagsan tahay,habka ay u dhici doonto Insha-allah waxay noqon doontaa mid aan lagu noq-noqonin oo lagu kala badiyo hadba sida ay u kala cod badan yihiin,markaas nidaamka wanaagsan ee aynu dhiganay ee lagu kala bixi doono doorashada,waxa muhiim ah in aan laga hor dhicin oo laga dhawro waxii dhibaato iyo turxaan ah,Caalamka oo dhan ayay indhahoodu inagu soo jeedaan,waxkaste oo halkan ka dhaca oo xumaan iyo Samaan ah waa la qaadayaa,waana la balaadhinayaa,markaas waa in la ilaaliyo sharafta,karaamada,midnimada iyo nabada Somaliland”.
Mar wasiir Sacad Cali Shire wax laga waydiiyay wada hadaladii dawladaha SOmaliland iyo Somaliya u socday halka ay ku danbeeyeen iyo waxa laga yeelayo madaama muddo xileedkii xukuumaddu dhamaad yahay waxa uu ku jawaabay.

 

“Marka aynu doorano madaxwayne cusub ayaynu wada hadaladii bilaabaynaa,markii hore iyaga ayaynu sugaynay oo Somaliya madaxwaynahoodii way doorteen,iminkana inagu madaxwaynaheenii ayaynu dooranaynaa,marka aynu doorano ayay wada hadaladu bilaabi doonaan Insha allah”.
Wasiir Sacad mar aanu waydiinay waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay iyo sababta keentay in ilaa qaddiyada madax-banaanida Somaliland lagu soo dari waayay wada hadalada ayaa waxa uu ku jawaabay.

 

 

“Horta wax badan oo lagu heshiiyay maba jiraanba,arrinka kaliya ee heshiiska laga galay waxa uu ahaa maamulka Hawada,arrinkaasina xagooda ayaanu ka fulin,laakiin wada hadalada danbe arrin farsamo oo qudha ma noqonayo ee wuxuu noqon doonaa in arrin masiiriya laga wada hadlo,markaas kolay wuu ka duwanaan doonaa sidii hore”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka waydiinay Somaliland iyo Somaliya cidda iska leh masuuliyadda ah in wada hadaladu hakad galaan ayaa ku jawaabay

 

“Waxa iskugu keen danbaysay Bishii Afaraad ee sanadkii 2015-kii,markaas waxa la sugayay in Somaliya ay madaxwayne doorato,markaas waxa la yidhi aynu hakino ilaa madaxwayne cusub aad dooranaysaan,kadibna doorashadii madaxwaynaha ayaa dib u dhacday,markii ay doorteena teenii ayaa soo dhawaatay,markaas waxa la yidhi marka inaguna aynu doorano madaxwayne dib haloo bilaabo,markaas iyaguna kamay bixin inaguna kamaynu bixin,waxuunbaa galay hakad la sugayo madaxwaynayaasha la dooranayo wada hadaladana dib ayaa loo bilaabi doonaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiiir Sacad Cali Shire.