Halkan Ka Daawo-Shacabka Gobolka Saaxil Oo Taageerayaashii Ugu Tirada Badnaa Abid Maanta Isugu Soo Baxay Magaalada Berbera.

Berbera(GNN):-Taageerayaasha xisbiga midnimada iyo Horumarka ee KULMIYE ee magaalada Berbera, ayaa isu soo baxyo ballaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay KULMIYE u hayaan ku qaabilay maalinta afraad ee ololaha xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegan.
Isu soo baxyadan oo ahaa qaar indhaha soo jiitay, ayaa waxa taageerayaasha kala qaybgalay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaanno, siyaasiyiin, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan degmada Berbera iyo guddida ololaha ee gobolka Saaxil, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhoolla-tuska reer Berbera, isla markaana lagu guubaabiyey inay siii libin-laabaan taageeradooda.
Xubno bulshada dhexdeeda miisaan ku leh oo ay kamid yihiin Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Cali Maxamed Waran-cadde, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Cali Xoor-xoor wasiir Sacad Cali Shire, marwo Rooda Axmed Yaasiin, xildhibaan Siciid Cartan, xildhibaan Dable, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obaama, guddoomiyaha guddida ololaha ee gobolka Saaxil Md. Cabdilaahi Abokor iyo xubno kale.
Shacabka reer Saaxil, ayaa iyaga oo isku duuban muujiyey inay taageero laxaad leh u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana kumanaan katirsani kusoo lebbisteen astaanta caanka ah ee KULMIYE, waxana ay sawaxan iyo mushxarad kusoo dhaweeyeen guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayo.
Xildhibaan Maxamuud Xaaji Cilmi Dable oo kamid ah mudenayaasha aqalka wakiillada oo la hadlay bulshada reer Saaxil, ayaa sheegay inuu murrashax Muuse Biixi yahay hoggaamiye umadda midaynaya, isla markaana wanaagooda iyo wada-jirkooda hirgeliyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Muuse waa kii wax hagaajinayaa, waana ka wax islaaxinaya ee dadka isku keenaya ee ehelnimada iyo walaalnimada keenayey inaguna isagaynu taageersanahay.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna tilmaamay in mustaqbalka bulshadu ka dhex ifayo xisbiga KULMIYE, “Reer Berberow waxad joogtaan magaaladii xuddunta u ahayd dhaqaalaha Somaliland, halkanna (KULMIYE) mustaqbal weyn baa yaalla, ballankeenuna waa bisha soo socota 13-keeda oo aad safka si wacan u gasho, codkaagana aad dhiibato, KULMIYE-na uu soo baxo oo uu Muuse madaxweyne inoo noqdo,” ayuu yidhi prof. Axmed Ismaaciil Samatar.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban u jeediyey shacabka reer Berbera, ayaa uga mahadnaqay taageerada ay KULMIYE u muujiyeen, waxana uu in horumarinta dalka iyo caddaaladdu gun-dhig u yihiin tiirarka xisbiga KULMIYE, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waa noo guddoon cududaas iyo taageeradaasi, Berbera iyo Saaxil-na cid la dardaarayo ma aha, waxana aynu ku wada soconaa oo aynu xisbi u nahay inaynu dalkeena dhisanno, diinteena wada ilaashano oo aynu dadkeena hore u marino, waa inoo caddaalad, xaqsoornimo iyo Somaliland oo hore u marta.”