Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Cabudhin Ku Bilaabay Saxaafaddda Xorta Ah Iyo Wariyeyaasha Oo Laga Mamnuucay Shirarka Jaraa’id Ee Xarunta Koomishanka Hargeysa

Hargeisa(GNN):-Koomiishanka Doorashooyinka ee Qaranka Somaliland, ayaa ku dhaqaaqay qorshe cusub oo ka dhan ah Xoriyadda iyo Madax banaanidda Saxaafadda Somaliland, ka dib markii  si badheedha Xarunta Koomiishanka Doorashooyinka ee Magaaladda Hargeysa looga mamnuucay lagana joojiyey  hawlihii shaqo maalmeedka ahaa ee Suxufiyinta kala duwan ee gudaha Caasimadda Hargeysa ka hawlgalaa ay  wararka iyo Shirarka Jaraa’id  ay sida wada jirka ah Koomiishanka iyo Axsaabta Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ugu qaban jireen.

Hab dhaqankan u muuqda mid ay  Koomiishanka Doorashooyinka ee Qaranka Somaliland ku cabudhinayaan isla markaana ku maroorsanayaan Shaqaddii Saxaafadda Xorta ah gaar ahaan Wariyayaasha ka hawlgala Caasimadda Hargeysa, ayaa loo diiday inay gabi ahaanba Iridda ka soo galaan Xarunta Koomiishanka Doorashooyinka ee Hargeysa  halkaasi oo sida caaddadu ahayd Suxufiyiinta ka kala socda Hay’addaha Warbaahinta ee Talafeeshinadda, Wargeysyaddu kaga qaybgeli jireen wixi Shir Jaraa’id ama Kulamo Saxaafadda loo ogol yahay ee Koomiishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta qaranku ay Xurunta Guddida doorashooyinka ee Hargeysa ku yeeshaan iyada oo ay Suxufiyiinta ay u saamixi jirtay inay  su’aalo habsami u socodka iyo wixii hawlaha doorashadda la xidhiidha halkaasi ku waydiin jireen Xubnaha Koomiishanka Doorashooyinka iyo Saraakiisha Axsaabta Xisbiyadda Waddani, Kulmiye iyo UCID uga qaybgala kulan saxaafaddeedyadda la qabto.

Hadaba mudo 4-tii bilood ee u dambaysay ku siman, waxa soo kordhay inay  Koomiishanka Doorashooyinka qaranku  Wariyeyaasha Saxaafadda kala duwan ee Caasimadda Hargeysa ka hawlgala ku soo rogeen in aanay guddaha u soo geli Karin Xarunta Koomiishanka mar kasta oo Kulan Saxaafadda loogu talo galay ka jiro halkaasi, waxaanay  Koomiishanku dirsadeen dad u qabta shaqaddii Saxaafadda Xorta ah ee Bulshadda Somaliland metelaysay qaban lahayd, iyada Koomiishanku ay  sameysteen Xafiis ay ku sheegeen qaybta Warbaahinta u qaabilsan guddida Koomiishanka kaasi oo soo diyaariya Muuqaalo ay iska soo duubaan, muuqaaladaasi oo iyagu soo diyaarsaddeen oo dhawr Daqiiqo ka kooban, loona kala diro Hay’addaha Warbaahinta marka loo diyaariyo qaabka ay Koomiishanku jecel yihiin, waxaana ficilkaasi uu si cad lidi ugu noqonayaa isla markaana meel ka dhac iyo sharci ku tumasho ku yahay Mihnaddii Saxaafadda Somaliland oo ahayd mid ay  Shuruucda Caalamka iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland hawlmaalmeedkeeda u damaanad qaadeen inay si madaxbanaan shaqaddeeda u gudan karto loona baahneyn inay cidina cabudhiso Suxufiga ama hor istaagi Karin hawl maalmeedkiisa . Waxaana had iyo jeer Muuqaal kasta oo Koomiishanka doorashooyinku Xarunta Koomiishanka Hargeysa iskaga soo diyaariyaan ay u soo duubtaan sida ay danaynayaan, isla markaana  Saxaafadda Xorta ahina waxba laga waydiin loo diyaariyey mar kasta oo shir la qabto .

Ugu dambeyntii iyada ay jireen Cabashooyin iyo Guux hoose oo bulshadda reer Somaliland ay iyo waliba Xisbiyadda Mucaaridka ee Waddani iyo UCID ka soo yeedhaysa taasi oo ku salaysan Jileec iyo debecsanaan ay ka cabsi qabaan Koomiishanka doorashooyinka Somaliland gacanta ku haya qabsoomida Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland oo mudo hal bil aan ka badneyn oo kaliya ay ka hadhay wakhtigii Shacabka Somaliland u dareerilahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku soo doortaan Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii 5aad ee qaranka Somaliland yeesho mudo 26 sanno oo Somaliland jirtay, waxa ficilka shaqaddii ay qaban jirtay Saxaafadda xorta ah kula wareegtay Hay’adda Koomiishanka doorashooyinka ee Somaliland, ay keenaysa shaki ay Shacabka Somaliland ka qaadaan dhex dhexaad la’aan iyo in wax layska waydiiyo  waxay Koomiishanku u diidan yihiin inay Saxaafaddu kulamadda Saxaafadda loogu talo galay ka qaybgalaan Wariyeyaashu oo hadba wixii jira ee Bulshaddu xog uga baahantahay kulamadaasi loogu waydiiyo dhinacyadda ay khusayso ee kaligood Muuqaaladda aan lagu kalsoonaan Karin iska soo duuba, waxaana haboon inay Koomiishanka doorashooyinku u hogaansamaan isla markana raacaan  Sida ay dhigayaan Xeerka Xoriyadda iyo Madaxbanaanidda  Saxaafadda ee Somaliland, Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerarka Xoriyadda Saxaafadda ee Caalamku dhigayaan ee ah in aan Saxaafadda la cabudhin Karin loona diidi Karin wixii hawlmaalmeedkooda shaqo ee war helida iyo ilaha xogta intii sharcigu u ogol yahay in aan cidi u diidi Karin.

Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com