Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Kulamadii Kala Duwanaa Ee La Yeeshay Madaxda Dhaqanka Gobolada Barriga Muujiyey Waji Furan iyo Farxad Lagu Qaabiley.

Burco(GNN):-Suldaanka ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxaan ayaa Maalmahii ugu dambeeyay waxaa uu ku sugnaa magaalooyinka Burco iyo Laasacaanood waxaanu kulamo kala duwan la qaadaynayay Salaadiinta, Garaadada, iyo Waxgaradka Deegaanaddaasi isaga oo kala hadlayay sidii ay Codkooda u siin lahaayeen Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,

Suldaan Xasan ayaa labada magaalo-ba kala kulmay aqbalaad ah inay wax-garadka iyo bulshada deegaankaasi ay yeelayaan dalabka Suldaan.

Dhinaca kale Salaadiinta iyo Garaadada ayaa Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ay isla qaateen inay abuurayaan gudiyo loo kala diro deegaanada kale si war loo wadda gaadhsiiyo inta kale.

Arrinkan ayaa uu suldanku dadaal dheer u galay ayaa keenay in markii uu kaga dhabeeyay riyaddiisii uu Waagu ugu baryo isago oo Gows-dambeedka ka qoslaya oo Taabka ku haysta arrimahii uu guuraha iyo jarmaadkaba uu u galay.

Gabiley News Network