Tirada Dhimashada Dadkii Ku Dhintay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho Oo Sii Kordhaysa iyo Maydad Tiro Badan Oo Lasoo Faqay.

Muqdisho(GNN):-Waxaa sii koradhay tirada dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dhinteen 85 qof .

Warar aan la xaqiijin ayaa muujinaya in tirada ay intaasi ka badnaan karto.

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo lagu dawaynayo isbataalada magaalada Muqdisho.

Kooxaha gurmadka ayaa weli ku mashquulsan sidii ay u soo badbaadin lahayeen dad laga cabsi qabo inay burburka dhismooyinka ku hoos jiraan.

Ma cadda ilaa iyo imika caddii ka dambaysay qaraxani .

Balse waxaa hubal ah in uu qaraxani ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimadda soomaaliya ee Muqdisho .

Qaraxii ugu horeeyay ayaa ahaa gaari ah nooca qaada xamuulka oo ku qarxay waddo mashquul badan oo ay ku yaalaan Hotelo,iyo xafiisyo ay dowlada leedahay.

madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay seddex maalmood oo baroor diiq loo samaeynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.