Waraabe Gadoodsan Oo Weerar Ba’an Ku Haya Bulshada Deegaanada Galbeedka Somaliland Iyo Qofkii Saddexaad Oo Waraabe Ku Cunay Deegaan Hoos Yimaada Degmada Lughaya.

Waraabayaal gadooodsan ayaa mudooyinkii u danbeeyey waxay weerar ba’an ku hayeen bulshooyinka ku dhaqan deegaanada galbeedka Somaliland.

Waxaana dhawaan Waraabe uu ku cunay laba qof deegaanka Cabdi Geedi,kuwaas oo midna ay ahayd ilmo yar oo 2 nin oo gabadh ah,halka qofka labaadna uu ahaa oday wadaad ah oo deegaanka Caan ka ahaa,kuwaas oo labadoodaba uu cunay waraabe.

Waxaana sidoo kalena la sheegay in deegaanka Dhuxusha ee degmada Lughaya ee gobolka Awdal uu waraabe ku cunay gabadh yar oo 8 jir ah laguna magacaabo Yurub Ibraahin Cali,taas oo dirqi lagaga soo riday,balse dhaawacyo culus uu soo gaadhsiiyay.
Bulshada deegaanada ayaa sku aruursaday laynta waraabayaasha sida wararku nagu soo gaadhayaan,balse dhankooda waxa iyaguna is bahaystay waraabayaal tiro badan,waxaana cabasi xoogan soo food saartay bulshooyinkii deegaanka,taas oo sababtay in hadii qoraxdu ay dhacdo aanay guryahooda ka bixi karin haweenka iyo caruurtu.

La Soco Wixii Warar ah Ee Kasoo Kordha Arrintaasi.