Wasiirka Madaxtooyadda JSL Oo Dhagax Dhigay Cisbitaal Weyn Oo Laga Dhisayo Ceel-afweyn Kana Hadlay Sida Ay Uga Go’an Tahay Xukuumad ahaan Fulinta Go’aamadii Nabadda Ee Deegaamadaasi.

Wasiirka Madaxtooyadda JSL Oo Dhagax Dhigay Cisbitaal Weyn Oo Laga Dhisayo Ceel-afweyn Kana Hadlay Sida Ay Uga Go’an Tahay Xukuumad ahaan Fulinta Go’aamadii Nabadda Ee Deegaamadaasi

“ Maanta Waxa Aanu Halkan Dhagax Dhignay Cisbitaal Weyn Oo Casri Ah Oo Loo Dhisayo Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Ceel-afweyn(GNN):-Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiyey  wefti balaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa maanta magaalada Ceel-afweyn ka dhagax dhigay Cisbitaal weyn.

Mashruuca cisbitaalkaasi oo ay maal-galinayso dawladda Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan si rami ah loo bilaabayaa, sida uu shaaciyey Wasiirka oo ka hadlay munaasibad loo qabtay dhagax dhiga cisbitaalkaasi, oo lagu qabtay magaalada Ceel-afweyn.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay sida ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu go’an tahay hirgalinta go’aamadii nabadeed ee laga soo saaray colaadii labada beelood ku dhex martay deegaankaasi Ceel-afweyn.

 099A5100 099A5101 099A5102 099A5103

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa “Maanta waxa aynu halkan dhagax dhignay cisbitaal weyn oo casri ah oo loo dhisayo degmada Ceel-afweyn, cibitaalkan waxa uu ku yimid markii baahida jirta uu arkay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilan Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ka dibna dalka Imaaraadka Carabta uu ka codsaday inay cisbitaalka u dhisaan magaalada Ceel-afweyn. Cisbitaalkan lacagta ku baxaysa oo lacag badan ah waxa bixinaysa hay’ada la yidhaa Mohammed bin Rashid Foundation waa hay’ada samafal ah oo uu leeyahay boqorka Dubai xukuma, waa hay’adaas magaciisa sidata, waxa ugu wakiil ah oo loo igmaday hay’ada wadaniga ah ee samafalka ee Zamzam foundation, hay’adahaasi laba cisbitaal oo hore ayey dalka Somaliland ka dhiseen, cisbitaalka Wajaale iyo cisbitaalka Caynaba, labadaas cisbitaalka siday u shaqaayaan maanta iyo kaalintay buuxiyeen iyo baahiday dabooleen dadka ku nool deegaankaas ayuubaa garanaya.”

Wasiirka ayaa ka hadlay hadaalka Xukuumadda ee horumarinta dalka waxaanu yidhi “ Xukuumaddu qorshe ayey samaysaa, qorshii aannu samaynay wuxuu ahaa in ummadda caafimaadkeeda aanu kor u qaadno oo ka haqabtirno cibitaalada, in aanu ka haqabtirno biyaha, in aanu ka haqabtirno waxbarashada iyo dugsiyada, oo iskuulada aanu gaadhsiino meel wal oo dad ku nool yahay, qorshe ayaanu dhignay qorshadaas waxaanu u bandhignay dunida, hay’adaha samafalka, qaramada midoobay, hay’adaha deeq bixiyeyaasha, iyo dalalka aynu saaxiibka nahay, jeebkeena oo kaliya wax kama dhisan karno, waxa ka weyn waxa layna siiyo qorshaha la dhigto. Gobolkan Sanaag Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo, todoba sanno ayey dalka taladiisa gacanta ku haysay afartan cisho ayaa ka hadhay muddo xileedkii Xukuumadda, taariikhada ayaa qoraysa wixii ay dalka ka qabatay, taariikhda ayaa qoraysa wixii ay gobolka Sanaag ka qabatay, siday Sanaag ahayn todobadaas sanno ka hor iyo sida ay maanta tahay, aad ayaannu bulshada gobolka Sanaag ugu boqaadinaynaa markhaatiga ay fureen iyaga oo kale aragti duwan, oo laga yaabo inay ku kala aragti duwan yihiin taageerada xisbiyada, waana gobonimo.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena xusay in hir galinta cisbitaalkani ay tahay qorshe fulaya oo aan indho sarcaad ahayn waxaanu yidhi “ Cisbitaalkani wuxuu dabooli doonaa wax weyn, maaha mid dhagaxiisa loo dhigayo afartan cisho ka hor doorashada oo dadka aanu ku indho-sarcaadinayno, ma dhigno dhagaxaan aanu dadka ku indho-sarcaadinayno, meel kasta oo aannu dhagax dhigno waa dhisnaa, bulshada reer Somaliland ayaa ka markhaati ah, ILAAHAY ayaa ka markhaati ah, waa la dhisayaa, dhismahiisana dhawaan ayaa la bilaabayaa.”

Geesta kalena Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda ayaa ka hadlay go’aamadii nabadeed ee golaadii Ceel-afweyn laga soo saaray iyo sida ay uga go’an tahay in la fuliyaa waxaanu yidhi “ Guntii waxaan leeyahay halkan shaqaaqo ayaa ka dhacday waxaan leeyahay bini-aadamku waa khaldamaa gaf ayuu gala, waxa u khayr badan kiisa soo noqda, wax kastaa ha dhaceene waanu ku bogaadinaynaa sidii loo taliyey siday u aqbaleen waayeelka deegaankani, sidii loo soo af-jaray colaadaa, Xukuumad ahaana waxaannu ka qaadanay door weyn, ilaayo maantana waxa jooga ciidamadii qaranka oo ku dib-jiray oo ku dayacmay, waan ku hambaleynayaa Ciidamada qaranka waanan ku bogaadinayaa inay sannad iyo badh dhirtaa hoos taagan yihiin iyaga oo kala ilaalinaya dadkaa walaalaha ah ee shaydaanku ka dhex adeegay. Dhawaan ayaa la xukumay in xoolihii la kala qaado, waxaan leeyahay waayeelka iyo dadka odayaasha ah go’aamadaasi waa inay fulaan, waxaannu la garab taagan nahay in aannu culayskaa kala qayb qaadano, in aannu xoolahaas la goyno, cidii go’aankaas fulin waydana, gacan bir ah ayey dawladdu ku qabanaysaa, nabadda ayaa wax walba ka weyn, waxaan leeyahay dadka reer Ceelafweyn nabadda aduunka aanu galinay dawlad ahaan wax badan ayey halkan ka dhisi lahayn, waxaan leeyahay nabadda ayaa saldhig u ah wax walba bulshadu waa inay is aaminto oo  wax wada qabsato.” Ayuu yidhi Mudane Xaashi.