Xildhibaan ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Shil Khasaarihiisu Sahlan Yahay Ku Galay Jidka U Dhexeeya Gabiley Iyo Hargeisa

Hargeisa(GNN):- Xildhibaan Iid Xassan Cabdi Oo ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley  Ayaa Maant Galinkii hore Baabuurkii uu watay xildhibaanku oo usoo jeeda dhinaca magaalada hargeisa kula gadoomay meel waxyar dhinaca barri kasoo xigta abaarso.

Wallow aaney Jirin Wax Ku Dhintay Shilkan Baabuur Oo ay Saarnaayeen Xildhibaanka Oo Wadday gaadhiga iyo Saddex qof Oo laba Kamid Ahi yihiin dumar, haddana waxa jira dhaawacyo aad u fudfud oo soo gaadhay laba kamida afartan qof ee gaadhiga saarnaa,

Xildhibaanka Oo Aanu ku Booqanay Cubitaalka Weyn ee Magaalada Hargeisa Galinkii Hore ee maanta ayaa  Ay Ilahay uga Mahadceliyey In Shilkaas uu Ka badbaadiyey isaga iyo Sadexda qof ee la socodayba sida ay wax usoo gaadheena imika ay ugu culustahay gabadh lasocotay oo miyirdoorsoontay balse xaaladooda kale ay caafimaad qabaan eebena uga mahadnaqayaan u dhigtay maalin kale/

Marka La Eego Burburka iyo Sida Uu Baabuurku Isku Rogay Ayaad Yaqiinsaneysaa in nafwalba wakhtiga eebe u qadaray ay ka tagayso aduunka guudkiisa.

22551716_1450276801746746_777150128_n 22553611_1450276545080105_4450168_o 22522178_1450278058413287_1467848546_o 22523844_1450276605080099_1155615425_n 22547533_1450276675080092_421276881_n