Xirsi Oo Maxamud Xaashi Kaga Awood Batay Hanashada Quluubta Siyaasiyiinta Beelaha Biciide Iyo Shirar Car Iyo Wir Oo Caawa Layskula Horfadhiyo Hargeisa.

mudooyinkii ugu danbaysay waxa magaalada hargeysa laga dareemayay sawaxan iyo loolan ka dhexeeya siyaasiyiinta beelaha biciide yoonis kuwooda mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta aaminsan afkaarta xukuumada iyo ta xisbiga kulmiye

Loolankaas oo ujeedkiisu ahaa sidii siyaasiyiinta beelaha biciide ukala hananlahaayeen dadka ku nool goobaha biciide

tartan dheer oo Ay galeen siyaasiyiinta kala ah xirsi cali x xasan hogaamiyaha xisbiga wadani iyo wasiir maxamud xaashi ay ugu jiraan sidii ay u kala hanan lahaayeen siyaasiyiinta biciide

iyadoo hogaamiyaha xisbiga wadani Uu Tartan dheer ugu jiro kala furfurka siyaasada Ay Wadaan siyaasiyiinta beelaha Biciide

waxaana laga dareemaya guryo iyo hudheelo hargeysa ku yaalo tartan ka dhexeeya masuuliyiinta xilalka haysa ee beelaha biciide iyo odayaal tira badan oo iyaguna ku sugan hargeysa

La Soco Xogo Badan Oo Arimahaas Khuseeya.

W/Q:-Maxamed Cali Bakeeri

Gabiley News Network

Hargeisa Somaliland