Xisbiga Mucaaridka UCID Oo Isku Soo Baxyo Balaadhan Oo Kumanaan Taageerayaashiisa Ah Ay Madaxda Xisbigaasi Fagaarayaasha Goboladda Dalka Kala Hadleen Daahfurka Oololaha Doorashadda Oo Bilaabmay

“Waxaan Ka Shaqynaayey In Dalka Laysku Keeno Inta Aan Dalka Ka Shaqaynaayey Ee Aan Khaatumo Ku Maqnaa Halkan Ayey Cirro Iyo Muuse Biixi Guryo Ayey Iyagu Rinjiyeynayeen Cuqaal Ayey Soo Dirayeen” Murashax Eng. Faysal Cali Xuseen
Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka UCID, ayaa Kaambeynka ololaha Doorashadda Madaxtooyadda ee Somaliland shalay oo sabti ah dalka Somaliland ka bilaambay, ku daahfuray wacdaro iyo Isku soo baxyo ay ka qaybgaleen Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ee UCID kaasi oo ka qabsoomay dhamaan Goboladda iyo Degmooyinka kala duwan ee Somaliland oo ay bulshadda kala qaybgaleen Madaxda ugu saraysa Xisbiga UCID.
Daahfurka Kaambeynka ololaha Doorashadda Madaxtooyadda ee Somaliland oo shalay si rasmi ah uu xisbiga Mucaaridka ee UCID uu maalintii 1aad uga bilaabay guud ahaan Goboladda iyo Degmooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani-na la filaayo inay maalmaha Axdda iyo Isniinta ku xigi doonaan, waxaana Fagaarayaasha Beerta Xoriyadda magaalooyinka goboladda dalka Somaliland ee Caasimadda Hargeysa, Burco, Boorame, Ceerigaabo, Berbera, Gabiley, Laascaanood, Bali-Gubadle iyo dhamaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka dalka Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID oo isku soo bax ay taageeradda ay Xisbigaasi u hayaan iskugu yimid kula hadlay kalana soo qaybgalay murashaxiinta iyo Madaxda Xisbiga UCID oo ay ugu horeeyaan Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Murashax Ku Xigeenka Xisbiga UCID Prof. Axmed Xuseen (Ebyan), Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Cabdi Xasan (Buuni), Xoghaye ku xigeenka Guud Cabdinaasir Yuusuf (Qodax) Afhayeenka Xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), Guddoomiyaha ololaha iyo Kaambeynka UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale, waxaana dhamaan masuuliyiinta Xisbiga UCID Bulshadda Somaliland u soo bandhigeen muhiimadda wakhtigan lagu jiro ay qaranka Somaliland u leedahay isbedel muuqda oo Xisbiga UCID uu taladda dalka kula wareego.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Cabdi Xasan (Buuni) oo ka mid ahaa masuuliyiinta UCID ee shalay isaga iyo Saraakiisha heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Awdal ee Xisbiga UCID u qaabilsani ay shalay Fagaaraha Beerta Xoriyadda magaaladda Boorame Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID ahi kula hadlaayeen waxa uu yidhi “Walaalayaal saw in aynu Bulshadda Somaliland mideyno Bari ilaa galbeed maaha, sow bulshadda gobolka Awdal in aynu mideyno maaha ee xaafad xaafadda loo kala fadhiisiyey , walaalayaal Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe wuxu la tartamaya madaxweynihii xariirta ahaa ee Axmed Maxamed (Siillaanyo) iyo Madaxweynihii ka sii horeeyey ee Daahir Rayaale Kaahin intaaba miyaad ogeydeen qabyaalad yaa soo celiyey Kulmiye ayaa inagu soo celiyey Kulmiye-na cedceediisii way dhacday Ishaalaahu tacaala wuu galbaday ee Faataxada horta ha loo maro Kulmiye”

Xoghaye ku xigeenka Guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Xuseen Yuusuf (Qodax) oo isaguna kumanaan Taageerayaasha Xisbiga UCID ah oo isku soo bax iskugu yimid Beerta Xoriyadda ee Magaaladda Hargeysa kula hadlaayey waxa uu yidhi “Xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay adkeynta midnimadda Bulshadda reer Somaliland xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay ka qaybgelinta dhalinyarta iyo haweenka ee ka mid noqoshadda taladda dalka , xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay isbedel dhab ah oo lagu badbaadinaayo hantidda umadda ee ka dhexaysa ee loo geystay boobka qaran xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay isbedel dhab ah oo dhalinyarta shaqooyin loogu abuuraayo xisbiga UCID wuxu diyaar u yahay isbedel dhab ah oo kor loogu qaadayo dhamaan baahiyaha bulshadda ee ay ka mid yihiin caafimaadka Biyaha , wax barashadda , Waddooyinka iyo Shaqo abuurka , Xisbiga UCID, wuxu daryeel gooni ah, xisbiga ucid wucu daryeel gooni ah iyo mid gaar ahba u sameyn doona ciidamada qaranka Somaliland ee kala duwan kuwooda naafoobay iyada oo xisbigu uu sido kale ka shaqayn doono gacansiinta dadka Beelaha la hayb sooco”

Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo isaga iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Sool ee Xisbiga UCID u qaabilsan oo deegaanadda gobolkaasi hoos yimaada ay fagaarayaal kala duwan kala hadleen Isku soo baxyo daahfurka ololaha doorashadda Somaliland ee shalay oo Sabti ahayd uu Xisbiga UCID bilaabay waxa hadalkiisii ka mid ahaa“Waxayn og nahay in aanay hore u jirin wax wada lahaansho oo ay hada xaqiiqsadeen Siyaasiyiinta Somaliland Madaxweyne ilaa hogaamiyayaasha Axsaabta qaranku in Somaliland aanay mideysneyn Sool iyo Sanaag iyo Cayn aanay helin waxay mudan tahay Maslaxadda iyo Bulshadda maanta waxaynu xaqiiqsanay in danteenu ay ku jirto in aynu ka mid nahay Somaliland oo aynu wax la qaybsano oo aynu wax ku yeelano oo aynu xaqeena ka raadsano labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ee Calamadda Faraha Badan iyo Guryaha faraba badan Rinjiyeynaya waa lacagtiinii bulshooy waa lacagtiinii weeyaan”

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu dambeyntii Kumanaanka taageerayaasha ee Beerta Xoriyadda Xisbigiisa UCID Kaambeynka kala qayb qaatay waxa uu yidhi “Walaalayaal labada murashax ee kale taladoodii waxay saarteen Salaadiintoodii iyo Cuqaashoodii ana Illaahay ayaan saartay Sumxaanuhu wa tacaala iyo shacbiga Somaliland, shalay waxaanu soo saxiixnay heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland shalay ayaanu soo afjarnay anigu marka walaalayaal waxaan ka shaqynaayey in dalka laysku keeno inta aan dalka ka shaqaynaayey ee aan Khaatumo ku maqnaa halkan ayey Cirro iyo Muuse Biixi Guryo ayey iyagu Rinjiyeynayeen cuqaal ayey soo dirayeen”

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu inta ku daray “Waxaanu dooneynaa hadii aanu Xisbiga UCID nahay Somaliland in aanu ka dhigno meeshii Somalia laga hagaajinaayey oo aan halkan ku shirino oo heshiisiino oo dawlad wanaagsan Somalia u dhisno oo shisheeyaha ka qaadno oo walaaladood nimanka la dagaalamaaya ee dhalinyarta ah inay wada hadlaan ayaanu dooneynaa shisheeyuhu in uu Somalia ka baxo ayaanu dooneynaa Somali in laysku daayo ayaanu dooneynaa iyagu ha wada hadleen, waxa kale oo aan halkan fariin uga dirayaa gobolka Butland la yidhaahdo hadii ay damcaan inay khalkhal galiyaan doorashaddeena Somaliland balan waxaanu ugu qaadnay in aanu Garoowe qabsanaa hadii ay is dhaq dhaqaajiyaan”

Ugu dambeyntii dhinaca kale Kaambeynka uu daahfurya Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, waxa sido kale Masuuliyiinta Goboladda iyo Degmooyinka goboladda dalka sida Caynaba, Salaxlay, Saylac, Badhan, Buuhoodle iyo guud ahaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka kala duwan ee Somaliland ay Saraakiisha Xisbiga UCID ee u kala baxay kala qaybgaleen Bulshadda iyo Taageerayaasha UCID kuwaasi oo ay fagaarayaal kala hadleen.