“Xisbiyadu Ha U Hogaansamaan Shuruucda Iyo Qawaaniinta Qaranka, Si Wanaagsan Oo Asluub Leh Qof Walba Xisbiga Uu Taageerayo Ha Ku Taageero” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeisa(GNN):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay loolanka xisbiyada, soorashada iyo ololaha la filayo inuu dhawaan bilaabo, waxaanu Xisbiyada iyo Shacabkaba uga digay inay ka feejignadaan wax kasta oo buuq iyo isku dhac keeni kara.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale digniin u diray gaadiidlayada, waxaanu ugu baaqay in marka la gaadho ololaha inay si wanaagsan oo aan dhib iyo khasaare ka imanayn ay gaadiidkooda u wadaan, waxaanu yidhi “Dadka waxaan ugu baaqayaa inay nabadgalyada ilaaliyaan, una diyaar-garoobaan ololihii doorashada, waxaana leeyahay marka la ololaynayo wax buuq iyo isku dhaca ah, ha la iska ilaaliyo, Xisbiyaduna ha u hogaansamaan shuruucda iyo qawaaniinta qaranka, si wanaagsan oo asluub leh qof walba xisbiga uu taageerayo ha ku taageero”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Muddada ololaha ka horeeysa lama ogola bood-boodka, buuqa iyo xamaasada iyo waxyaabaha keenaya isku dhaca iyo wax walba oo dadka qas galin kara, marka la gaadho ololahana waa in si wanaagsan loo ololeeya, oo xisbiga waliba wakhtigiisa ololeeya, meel loo cayimayna uu ku ololeeya, aflagaada iyo wax walba oo buuq keeni karana waa in laga digtoonaada, hadda wixii ka dambeeyana buuq iyo saxawan lama ogola”.
Wasiirka arrimaha gudduhu mar uu ka hadlaayey gaadiidka ayaa yidhi “Gadiidlayda, waxaan ugu baaqaynaa inay gaadiidkooda xakamayeen, oo gadiidka buuqa ama xasaamada kicinaya, marka la gaadho ololaha ma ogolin, waxaas oo dhana sharciyo qabanaya oo kaxamaynaya ayaa jira, waana la dhaqan galinayaa, waxna waa laga qaban doonaa, raalina kama nihin gaadiid khasaare iyo dhib keena, dhalinyaradana waxaan leeyahay mar walba asluubta ilaaliya”

Geeska Africa