Xoghayaha Dawlada Hoose Hargeisa Oo Caawa Kormeero Dardar Galin Ah Kusoo Maray Wadooyinka Halbawlaha Ah ee Dhismayaasha Ay Ka Wadaan.

Hargeisa(GNN):-Dawlada Hoose Caasimada Hargeisa Oo Mudooyinkanba Waday Dhismayaasha Wadooyinka Gudaha Caasimada Hargeisa iyo dayactirkooda Oo Hadda Gabogabo ku Dhawo Ayaa Xoghayaha Dawlada Hoose Hargeisa Mudane Cali Xassan Cawaale uu Kormeero uu Kula  Wadaagayo hawlaha Shaqo ee Ay Wadaan Hawlwadeenada Dawlada hoose Kusoo Maray Goobaha Ay ka Socoto Dhismaha iyo Nadiifinta Wadooyinka Halbawlaha ah ee Caasimada.

Waxaana Goor danbe oo caawa ah lagu arkayey saraakiisha ugu sareysa dawalada hoose caasimada oo uu horkacayo xoghayah dawlada hoose hargeisa oo wadda dedaalo lagu nadiifinayo wadooyinka iyo qaar ay ku socoto dhisme, iyadoo lagu arkayey goobaha qaar xoghaye cali xassan cawaale oo shaqaalaha kala qayb qaadanaya nadiifinta jidka halbowlaha u ah caasimada ee dhexmara.

22497568_734541966748221_1148829171_n 22497729_734541463414938_1600840421_n 22523719_734542340081517_1232052028_n 22547674_734542026748215_1683156379_n 22547970_734541996748218_1107256170_n 22551796_734541583414926_1629604862_n 22554369_734541543414930_1776750926_n

Sikasteba ha ahaatee Hawlahan Shaqo ee ay Wadaan Masuuliyiinta Dawlada Hoose caasimada hargeisa Oo ay Hormood ka yihiin Maayirka Caasimada iyo Xoghayaha  ayaa Noqonaya Kuwo Dhabe Toosan oo lagu Horumarinkaro caasimada iyo wadooyinkeeda u jeexaya  Madaxda uga Danbeyn doonta  Xafiiskan.

Hawlahan Shaqo ee Saacadaha Dabe ay Ku wadaan Dhiska wadooyinka iyo nadiifinta caasimada oo ah nidaam cusub oo la kowsaday xogahaye cali xassan cawaale ayaa noqonaya mid dhiirigalin iyo muwaadinimo ku dayasho mudan oo tilmaam u noqonaya sidii Qofkasta oo reer Somaliland ahi  Lexejeclo ugu yeelan lahaa dhismaha iyo horumarinta qarankiisa.

Qorsheyaashan Lagu Horumarinayo Bilicda Caasimada Hargeisa Ayaa Noqonaya Kuwo Baal Dahab Ah u galidoona Saraakiisha Dawlada Hoose Caasimada ee Sida firfircoon  Isaga Xilsaaray, Sidii Ay U Gudan lahaayeen Waajibaadka Shaqo ee Ay Bulshada U Xilsaaran yihiin.

Hargeisa Somaliland

Gabiley news Network.