Xoghayaha Dawlada Hoose Hargeisa Oo Ka Waramay Kulamo Ay La yeesheen Saraakiil Ka Socoda Haayado Caalamiya Oo Ka Caawinaya Nidaamka Kobcinta Dakhliga Cashuuraha.

Hargeisa(GNN):-Xoghayaha Dawlada Hoose Caasimada Hargeisa Ayaa Si Faahfaahsan uga Waramay Kulan Ay isaga iyo Duqa Caasimada Hargeisa La yeesheen Madaxa haayada Magaceeda Loo soo gaabiyo IGC oo Wadamada Africa qaarkood ka Taageerta Horumarinta iyo Kobcinta Nidaamyada Cusub ee Loo Ururiyo Cashuuraha Si Loo Helo Dakhli kor loogu qaado Bilicda Caasimada.

Hadaba Kulankan Oo Ay Goobjoog ka Ahaayeen Maayirka Caasimada Hargeisa Mudane C/raxmaan Maxamuud Cadiid iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Caasimada Hargeisa Mudane Cali Xassan Cawaale Ayaa Markii Shirkani Soo Dhammaaday Uga Waramay Shabakada Gabiley News Network Shirkan iyo Waxa Ay kagaga Wada Hadleen Saraakiishan ka Socoday Haayada Caalamiga ah Waxaanu yidhi Xoghaye Cali Sidan “Waxaanu maanta Oo ay taariikhdu tahay 02/10/ 2017.waxanu shir kula galnay Xarunta Dawlada hoose ee hargeisa aniga iyo duqa caasimadu Madaxa Hay.ada magaceedu yahay International Growth Center (IGC) . Kulankan oo muhiim ahaa waxa nagala qaybqaatay Agaasimayaasha waxaha cashuuraha iyo qorshaynta . Kulankan oo sii socon dona insha Allah inta weegan ka hadhsan waxa aanu ku lafa guri doona sidii dakhliga d.hoose kor loogu qaadi laha isla markaana waxay hay.adan oo ay ka socoto gabadha magaceedu yahay astrid ahna agaasimaha hay.adan waxay naga caawin doonta nidaamka iyo hababka kala gedisan ee cashuur ururinta (Tax collection) sidoo kale waxay tabarbar la xidhiidha barnamijkan cashuur ururinta noo siin doonta saraakiisha waaxda cashuuraha. Waa marki kowaad ee ay dawlada hoose hargeisa ay hesho tababar noocan ah kaasi oo ay kaga faaidaysanayso nidaamyada ay magaaloyinka afrika sida ugaandha ay u isticmaalan cashuur ururinta ( Revenue collection systems) si ay dakhligooda kor ugu qaadan. Waxan rajaynaya in tababarkani noqon doono mid ay ka faaido dawlada hoose isla markaana ay ku dabakhdo nidaamka cashuur ururinta ee ay isticmaalan caasimadaha afrika. Wa bilaahi Tawfiiq”

22215065_729574287244989_1635108539_n

Qorsheyaashan iyo Kulamadan kala Duwan ee Masuuliyiinta Dawlada hoose caasimadu La Yeelanayaan Haayadaha Caalamiga aha Ayaa Qayb ka Sidii Loo Horumarin Lahaa Caasimada Somaliland ugana Mid Noqon Lahayd Caasimadaha Aduunka Kuwa ugu Quruxda badan.

Hargeisa Somaliland

Gabiley news Network.