Xogo Laga Helay Kulan Addis-ababa Ku Dhex Maray  Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Iyo Wasiirka Duulista Somaliya Iyo Cida Gogosha u Dhigtay

Ma jirto warar rasmi ah oo labada wasiiir kasoo saareen kulankaasi,laakiin warar xog ogaal ah ayaa Geeska Afrika u sheegay in wada hadalada labada wasiir ee Somaliland iyo Somaliya ay fududeysay hay’adda dhex-dhexaadisa khilaafaadka siyaasadda ee caalamka CHD oo xarunteedu tahay magaada Geneva ee dalka Switzerland ,waxaana labada wasiir dhex fadhiyay Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland oo madax ka ah qaybta Afrika ee hay’adda.Sida ay wararkan xog ogaalka ahi sheegeen wasiirka ka socday dalka Somaliya ayaa soo bandhigay inaanay  wali dawlada Somaliya si rasmi ah ugu hirgalin inay la wareegto hawada madaama hay’adda ICAO shuruud ku xidhay in marka hore ay ogolaato Somaliland,sidaasna ICAO loola tago heshiis la isku raacsan yahay.

Wasiirka ka socday Somliland ayaa isna la sheegay inuu soo bandhigay heshiisyadii hore ay Somaliland iyo Somaliya uga gaadheen dalka Turkiga ee nuxurkoodu ahaa sida ugu haboon ee wada jir looga maamulo karo hawada,waxaanu ku adkaystay in maamulka hawada ay gacanta ku hayso ICAO ilaa la gaadhayo heshiis loo dhan yahay.

Gunaanadkii sida uu warku sheegayo waxay Somaliland iyo Somaliya ku  ballameen in la iskugu tago shir balaahdan oo ay  ICAO goob joog ka tahay,lana gaadho heshiis farsamo oo hordhaca ah,kulanka danbena waxa loo ballamay Bisha Jeeniwari ee sanadkan Soo socda 2018.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa wahelinayay oo la socday  agaasimaha duulimaadka ee wasaaradda Duulista iyo hawada Siciid Ileeye (Saqiiro),halka uu wasiirka Somaliya wahelinayay agaasimaha Duulista ee wasaaraddaas Somaliya Cismaan Maxamed.