Daawo:- Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex Oo Go,aan Ka Gaadhay Eedaysanayaal Khamri Lagu Soo Qabqabtay.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa ku dhawaaqday inay go’aan ka gaadhay saddex nin oo lagu soo qabtay maandooriyaha loo yaqaano Khamriga.

Garsooraha  gobolka Maroodijeex Maxamuud Cabdirisaaq  Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka saddexday eedeysane.

Garsoore Cabdirisaaq waxaa uu sheegay in saddexdan nin lagu xukumey min saddex  sano oo xadhiga iyo waliba saddex milyaan oo ganaxaa, gaadhigii ay wataane boqolkiiba shan qiimaha uu taagnaa lagu xukumay.

Garsoore Cabdirisaaq isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Maanta oo ay bishu tahay waxaa dhacay xukunka dacwada ciqaabta ee sumadeedu tahay 1072-tan, dacwadaasi oo ah dacwad ciqaaba islamarkana xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeeyey, saddexda eedeysane ee kala ah, Maxamed Muxumed Xasan ina Faadumo Xasan oo 30-jira Mustafe Mukhtaar Maxamed Ina Xaawa  Cali oo 28-jira ,Iyo Idiris Cabdillaahi Xuseen, saddexdan nin waxaa si wada jira loogu soo eedeey ka ganacsi maandooriye Khamri sida ku xusan qodobka Afraad, farqadiisa koobaad xeer lanbar 21-tan kuna xusan 2022 xeerka la dagaalanka musuq maasuqa, taariikhdu markay aheyd 27/9/2017 abaaro sagaalkii subaxnimo ayaa waxaa lagu soo qabtay Khamri 30-jirikaan oo midkiiba yahay 30-litir, eedeysanayaashi oo watay gaadhi Nisaana, lanbarkiisuna yahay 57 Khamrigaasi oo ay ka keenen degmada Wajaale kana ganacsanayeen waxaana eedeysanayaasha lagu xukumey min saddex sano xadhiga iyo saddex malyan oo ganaxa waxaaney gaadhigii khamrigaasi siday ay maxkamadu ku xukuntay boqolkiiba shan qiimaha uu joogo”

Halkan ka Daawo:-