Madaxwayaha Somaliland Oo Tacsiyadeeyay Qoyskii , Qaraabadii Iyo Shacabka Somaliland Geerida Marxuun Cabdirisaaq Jaamac Cumar “Ina Ciyaale”

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, asxaabta qaranka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq Ciyaalle) oo ahaa gudoomiyihii guddida diiwaan-gelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada qaranka Somaliland oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 30/11/2017, cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo ka baxay qaranka, kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka laguna xasuusan doono doorkii uu ku lahaa kala saarida nidaamkii ururada faraha badan ee qaranku uga gudbay nidaamka saddexda xisbi qaran ee wakhtigan ka jira Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, asxaabta qaranka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.