Madaxweynaha Cusub Iyo Ku Xigeenka Oo Kulan La Qaatay Guddiyadii Muraaqibiinta Xisbiga Kulmiye U Qaabilsanaa Doorashadii Madaxtooyada+Sawiro.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha iyo ku-xigeenka la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay guddigii xisbiga KULMIYE u qaabilsanayd soo xulista, tababarista iyo maamulidda muraaqibiintii ka qaybgashay doorashadii madaxtinimo ee dalka dhawaan ka qabsoontay.

Kulankan oo ka dhacay xarunta ololaha ee xisbiga, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere iyo saraakiil sarsare oo
xisbiga katirsan, waxana halkaas warbixinno kala duwan ka jeediyey xubno kamid ah guddiga xulista muraaqibiinta ee gobollada kala duwan ee dalka.

Guddiyada muraaqibiintu waxa ay ku dheeraadeen sidii xilkasnimada lahayd ee ay xilka iskaga saareen hawshii cuslayd ee ay muraaqibnimada iyo sugidda codadkii uu xisbigu ku helay guud ahaan Somaliland, waxana ay u mahad celiyeen dhallinyaradii hawshaas sida gaarka ah loogu xil-saaray ee kasoo dhalaalay.

Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in guddiyada xulista muraaqibtiintu hawl culus u qabteen guud ahaan qaranka Somaliland iyo gaar ahaan xisbiga KULMIYE, waxana uu yidhi, “Guddida muraaqibiintu hawl culus bay qabteen waana uga mahadnaqaynaa, laba hawlood oo ay hayeen baa is barbar socday oo kala ahaa muraaqibiinta xulistooda, raristooda iyo maamulidoodda oo hawl culus ahayd.”

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu bulshada u sharraxay sababtii muraaqibnimada loogu xulay da’yar aqoonyahanno ah, waxana uu tilmaamay inay tallaabadaasi ahayd mid qaranka dan weyni ugu jirtey, isla markaana guul kasoo hoysay doorashadii qabsoontay,“Muhiimadda aynu u baahnayn ee aynu dhallinyarada aqoonta leh u qaadanay waxa ay ahayd 70%(boqolkiiba toddobaatan) waxa aynu qaadanay dhallinyaro aqoon yahan ah oo IT ah, sababtuna waxa ay ahayd inaynu helno nidaam aan dib loogu murmin natiijada kasoo baxda, taasna waxa fulin karaya dad aqoon leh oo weliba IT yaqaanna oo feejigan oo aqoon leh,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

GABILEY-LOGO-OK