Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Suldaan Reer Awdal Ah

 Hargeisa(GNN):-Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murrashaxa isla jagadaas ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ah madaxdhaqameedka gobolka Awdal, oo toddobaadkii hore shaaciyay haddii xisbiga WADDANI ku guulaysan waayo doorashada madaxtooyada ay ka tashanayaan Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu tilmaamay inaan hadalka noocaas ah aan laga aqbalaynin madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiinta taabacsan xisbiga WADDANI.

“Waxa ayaan-darro ah in odayaal waawayn ama siyaasiyiin waawayn oo xisbiga WADDANI taageersani inay yidhaahdaan haddii aannu annagu heli wayno doorashada waanu ka tashanaynaa dalka, taasi waa nasiib-darro, tartan baa socda, garina laba nin kama wada qosliso, haddii la tartamo nin uun baa guulaysta, markaa ninka maanta leh haddii la i dooran waayo dalka waan ka tashanayaa miyaan ka yeelnaa? Maaha wax laga yeelayo.”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo shalay khudbad uga jeediyay beerta xoriyada kumanaan ka mid ah taageerayaasha xisbal-xaakimka ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

Waxa kaloo uu sheegay in haddii ay ku guulaystaan mar labaad talada dalka ay sii xoojin doonaan wadajirka reer iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxaannu hortiinna idiinka ballanqaadaynaa in aannu wax hagaajin doono nidaamka waxqaybsiga oo aannu dhisi doono Somaliland wadajirkeeda iyo wax-wada lahaanshaheeda in khayraadka dalka wixii yimaada loo sinnaado xag dhaqaale iyo xaq shaqaba waxaannu ballanqaadaynaa in aannu caddaalad ku maamuli doono, in garsoorka oo aannu wax badan ka qabanay oo dib u hagaajin badan aannu ku samaynay in aannu sii adkayn doono oo adeegga maxkamadaha loo dhaadhicin doono ilaa heer degmo iyo tuulo, in amniga aynu aad u sii xoojin doono.”