Shacabka Reer Laascaanood oo Isu Soo Baxyo Ciiddu Dhaqaaqday Kaga Qaybgalay Maalinta Shanaad ee Ololaha Xisbiga KULMIYE.

Sool(GNN):-Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa isu soo baxyo aan loo kala hadhin kaga qaybgalay maalinta shanaad ee oloha xisbiga KULMIYE oo maanta ku beegan.
Munaasibadda isu soo baxyada shacabka reer Laascaanood oo ay kala qaybgaleen xubno miisaanleh oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Baashe Maxamed Faarax,, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa saddexaad Md. Xuseen Aadan Caddi, wasiirro, xildhibaanno, hoggaanka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Sool, haween, dhallinyaro, waayeel, madax-dhaqameed iyo xubno kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay taageerayaasha xisbiga, isla markaana lagu guubaabiyey inay codkooda la garab galaan maalinta codaynta.
Badhasaabka iyo maayarka gobolka Sool, ayaa ugu horrayn shacabka reer Laascaanood ku boorriyey inay sii libinlaabaan taageeradooda KULMIYE, iyaga oo ku dheeraaday horumarka ay xukuumadda xisbiga KULMIYE ka hirgelisay gobolka iyo guud ahaan dalka Somaliland.
Wasiirrada wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo halkaas ka hadlay, ayaa shacaka ga mahadnaqay taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen, iyaga oo xisbigana ku ammaanay sida uu ugu hagar baxay gobolka Sool.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna si mug iyo miisaanleh shacabka reer Sool ugaga mahadnaqay taageerada ay xisbiga u muujiyeen, waxana uu sheegay inay Sool safka hore kaga jirto deegaannada ku jira qorshe-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE ee shanta sano ee soo socota.

22894183_255924758264668_6113641392505965958_n 23031214_966611993476888_5588811015451560683_n 23031359_966611596810261_3330060868707202399_n 23031395_966611656810255_3617536928435098526_n 23031630_966611506810270_3136320600763049192_n 23032570_966612213476866_8470921718043290668_n 23032650_966612263476861_7175896303329282872_n 23032683_966611733476914_4035532644490222295_n 23032751_966612023476885_5707409010038480204_n 23130448_966611786810242_7088776260575103636_n