DAAWO:Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Shaaca Ka Qaaday In Codadkii Xisbiga Waddani ka Helay Gabiley iyo Hargeisa inay Sax Ahaayeen

Gabiley(GNN):-Ciise Sheekh Muxumed Warsame Oo Ah Sheekhal beledka Gobolka Gabiley islamarkaana Ka tirsan Saraakiisha Xisbiga Waddani U Qaabilsan gobolka Gabiley Oo Caawa Fiidkii La Hadlay warbaahinta ayaa Shaaca Ka Qaaday In Codadkii Xisbigoodu ka helay Gobolada Gabiley iyo Maroodijeex ay ahaayeen Kuwo Saxsan islamarkaana aanu jirin wax khaladaad ah oo ka dhacay goobihii bulshada somaliland ka codeeeyen, masuulkan oo Xisbiga Waddani u Qaabilsanaa Kormeerka Goobaha Codaynta ee gabiley ayaa Sidoo kale Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay in Aaney Jirin Wax Waraaqo Fooljari ah oo lasoo sameystay islamarkaana xisbiga waddani kagaga shubtay gabiley iyo hargeisaba.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Sheekhal Beledka Gobolka Gabiley
Ciise Sheekh Muxumed Warsame.