Xogo Daaha Ka Fayday Saraakiil Xilal Ka Haya Xukuumada Oo Si Qarsoodiya Ula Shaqeeya Xisbiyada Mucaaridka+Boobka iyo Ku Takrifalka Hantida Qaranka Wakhtiga kala Guurka.

Waa Qormo Xaqiiqo Rasmiya  iyo Xogo Dhaba Kuu Iftiiminaysaa,Waa qalin Lagu Xariiqayo Shaqsiyaadka Xilalka ka haya Qaranka ee Xalaashaday Boobka xoolaha Shacabka, waa qormo si Xeeldheer u lafo guraysa Masuuliyiinta u xuubsiibtay in ay xagal daac ku keenaan xilalka qaranka islamarkaana xogaha iyo sirta dawlada la wadaaga xisbiyada mucaaridka iyagoo si laba wajiileyn ah ula shaqaynaya labada dhinacba.
Hadaba Waa Kuma Masuulka ugu Horeeya ee Aan Doonayo Inaan Bulshada ugu soo Bandhigo Qormadan.?
Axmed Daa’uud Geedi Waa Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland
Waxaa uu Xafiiska Xisaabiyaha Guud Fadhiyey muddo ku siman halsano Waa Shaqsi aan dhaqdhaqaaq muuqa ku lahayn xukuumada Madaxeyne siilaanyo iyo xisbiga kulmiye toona, waxaa uu hore usoo noqday dawladii madaxweyne daahir rayaale kaahin agaasimaha Guud ee wasaarada maaliyada, waxa uu ahaa agaasime aan dhicin ama aan la bedelin, iyadoo Xasuusta Wakhtigaasina  uu Ku Suntan Lunsi Lacag dhan 15 milyan oo Doolar oo ay Ku eedeeyeen Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee golaha Wakiilada Somaliland oo uu kamid ahaa ragii dabagalka dheer ku sameeyey Xildhibaan obama

Waa Shaqsi bartay Xeeladaha kala duwan ee loo xalaashado xoolaha umada,wakhtiga dheer ee uu ka shaqaynayey dawlada waxa uu ka dhaxlay khibrad uu isagu u haysto inay wanaagsan tahay oo ah nidaamka qarsoodiga ah ee loogu takrifalo xoolaha Qaranka.
Masuulkan Ayaa Hadaba afar bilood ka hor markii ay bilaabmayeen xafiiltankii ololaha ee xisbiyada qaranka Somaliland xan hoose lala xidhiidhiyey inuu gacan saar la leeyahay Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani Oo uu Musharax Madaxweyne Ku Xigeen ka aaha Mudane Maxamed cali cabdi oo ay jufo hoose isku yihiin, tuhunkaasi iyo xantaasi hore loo sheegay ayaa soo ifbaxay islamarkaana dhaboobay kadib markii uu Masuulkani Shaqadii qaranka ee uu u xilsaarnaa Ku Wareejiyey Masuulkii ku Xigay oo uu u igmaday inuu socodsiiyo shaqada uu isagu ku magacaaban yahay oo xataa saxeexii uu awood u siiyey.
Waxaana Xogahani Tibaaxeen In Culeys Xoogan oo Wakhtigii ololuhu Bilaabmay kagaga yimid Dhinaca Reerka iyo Madax dhaqameedkiisa amar lagu siiyey isaga iyo masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirkii hore wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada in ay xilalka iska casilaan kuna biiraan xisbiga waddani.
Cadaadiska Go’aankaa Madax dhaqameedka beeshiisu waxa uu sababay inuu shaqadii ku wareejiyo ku xigeenkiisii islamarkaana uu si dad ban ula shaqeeyo xafiiskii uu masuulka ka ahaa isagoo ku qancinaya cuqaasha beeshiisa inuu shaqadii iska wareejiyey, Waxaa isaguna go’aankaasi Qaatay oo Shaqadii Qaranka uu u hayey Duhur cad ka Dhaqaaqay Maxamed Cabdilaahi Obsiiye Wasiirkii Shaqada iyo Arimaha Bulshada  oo Si Cad Warbaahinta ugu Sheegay inuu Ku biirayo Xisbiga Waddani, Xaflad balaadhana loogu sameeyey magaalo madaxda gobolka awdal ee boorama  oo uu halkaa kagaga dhawaaqay inuu xisbiga waddani ka tiran yahay.
Labadan Masuul Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Wasiirkan Shaqada Qaranka ka tagay ayaa iyagu ahaa Saaxiibo Si qotodheer u kala dab qaata islamarkaana si joogto ah ugu xidhan xisbiga waddani kana qaybgala shirarka hoose ee xisbigaasi leeyahay,  qayb laxaad lehna ka qaatay qaadhaanka taageero ee dhaqaalihii xisbiga waddani ololaha Ku galay…….Lasoco Qormada Danbe.

 

 

 

 

Exit mobile version