Madaxwayne kuxigeenka Dawlad Deegaanka Somalida Etoobiya Oo Xadhiga ka Jaray Xafiis Ay Shirkada Sagal Jet ka furatay Magaalada Tog Wajaale Qaybteeda Ethiopia.

Hargeisa(GNN):-Madaxwayne kuxigeenka Dawlad Deegaanka Somalida Etoobiya ahna Wasiirka Hawla Guud iyo Wafti uu Hogaaminayo ayaa Maanta Xadhiga ka jaray Xafiis ay Magaalada Togwajaale qaybteeda Dawlad deeganka somalida Etoobiya Ay ka furatay Shirkada Daabacaada Casriga ah Ee Sagal Jet.

WAJAALE SAGAL 2

Xubnaha ka qayblagay Xaflada xadhig ka jarista ee shirkada Sagal jet ku yeelatay Dhinaca D,D,S,I  ayaa Waxaa Horkacayay Madaxwayne Kuxigeenka D,D,SI ahna wasiirka hawlaha guud mudane cabdixakiim cigaal Waxana ku weheliay Wasiirka Ganacsiga Khadar Cabdi Ismaaciil,Wasiir Kuxigeenka Madaxtooyada Deeq Buraale  iyo xubno kale oo muhiim.

WAJAALE SAGAL 6

Waxaana ugu Horay ka hadlay  Munaasibadan Maayarka Magaalada Tog Wajaale Md.Maxamuud Cabdi Muxumed (Gaawe_Gaawe} halkaasi oo uu kusoo Dhaweeyay waftigan culus ee  kala soo qabgalay furitaanka xafiiska shirka daabacada Casriga ee SAGAL JET. isagoo Sharaxay Muhiimada ay uleedahay Magaalada Tog Wajaale Qaybteedan D,D,S,I oo uu sheegay in ay Qayb laxaadleh ka qaadanayso horumarka ka tisqaaday Magaalada Wajaale,

WAJAALE SAGAL 4shahaado sharaf sagal jet 2

Dhanka kale waxaa iyaguna Muhiimada ay uleedahay magaalada tog wajaale qaybteeda dawlad deegaanka itoobiya ka hadlay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Khadar Cabdi Ismaaciil madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka hawlaha guud iyo dhamaan masuuliyiinta kasoo qaybgalay xaflada xadhig ka jarista xafiiska sagal jet iyagoo ku Amaanay Maamulka shirkada sagal jet in dadaal xoogan ee ay ugu jiraan sidii wadamada jaarka ay ugaadhsiin lahaayeen daabacaada casriga ah iyo adeegyada kale ay bixiyaan oo ay ku tilaameen mid waxyaalo badan oo dibada laga soo daabacan jiray ah  ay bulshadu kaga maarantay,

WAJAALE SAGAL 1WAJAALE SAGAL 5

Sidoo kale Maamulaha Shirkada Sagal jet Qaybteeda Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Cabdi Yuusuf Daahir ayaa Xubnihiin Waftigan ee kasoo qaybagaly Munaasibada xadhig ka jarista xafiiska Shirkada Sagal jet uu ku maamuusay   Shahaado Sharaf isagoo ugu horay halkaa ku gudoonsiiyay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka hawlaha guud, wasiirka ganacsiga iyo wasiirku xigeenka madaxtooyada waxaanu masuuliyiinta uga mahad celiyay sida qiimaha leh ay uga soo qaybgaleen munaasibadan.

WAJAALE SAGAL 3

Ugu Danbaysa Maamulaha Shirkada M.M.Wajaale Abdi yusuf Dahir Ayaa  Dhambaal  hambalyo ah u diray Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Xukamadiisa horumarkay ka sameeyeen Degaanka. Wuxuna yidhi , Markanu Aragnay Horumarka ka socda Deegaanka DDSI Ayaanu kusoo dhiiranay inaanu Shirkada Sagal Jet Ahaan ka furano Xafiis,