Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhalinyarada Somaliland Ku Maamuusay Jagooyin Muhiim Ah Oo Ay Ka Qabteen Xukuumadiisa

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xubnaha cusub ee golihiisa wasiirada.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa magacaabida xukuumadiisa cusubi waxay durba rajo galisay dhalinyarada somaliland ee dalka gudihiisa wax ku bartay kuwaas oo si weyn uga dhex muuqda xubnaha uu madaxweyne Muuse Biixi xushay.Madaxweyne Muuse Biixi oo soo dhisay xukuumad ka kooban 32 xubnood oo iskugu jira wasiiro iyo wasiir ku xigeeno ayaa laga bixiyey dareeno kala duwan, iyada oo ay si weyn uga dhex muuqdaan xubno dhalinyaro ah oo tiradoodu aad u badan tahay.

Xubnaha dhalinyarada ah ee uu madaxweyne Muuse

Biixi ku soo daray golihiisa wasiirada ayaa iskugu jira qaar uu u gartay inay noqdaan wasiiro buuxa halka uu xubno kala ka dhigay wasiir ku xigeeno ka hawl gala wasaarado muhiim ah.

Xubnaha dhalinyarada ah ee ku jira xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxay kala yihiin.

1.     Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka cadaalada

2.     Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Horu marinta Maaliyada

3.     Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wasiirka horu marinta maal gashiga

4.     Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil Wasiirka isgaadhsiinta iyo Technology-yada.

5.     Maxamed Daahir Axmed Fure  wasiir ku xigeenka wasaarada horu marinta maaliyada

6.     Liibaan Yuusuf Gaaxnuug wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada

7.     Eng Xuseen Ibraahin Xasan Buuni wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta iyo horu marinta qaranka.

Madaxweynaha cusub ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda hogaamiye aad ugu kalsoon dhalinyarada ku sugan dalka gudihiisa isla markaana wax ka baratay jaamacadaha kala duwan ee dalka, iyada oo masuuliyiintan dhalinyarada ah ee uu ku daray xukuumadiisa looga baahan yahay inay xil dheeraad ah isa saaraan isla markaana wakhti badan u shaqeeyaan qaranka, iyaga oo si adag u dhawraya sharafta dhalinyarada somaliland ee ay huwan yihiin.