Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhambaal Tacsi Ah u Diray Ehelada Ay Ka Baxeen Laba Marxuun Oo Ku Kala Geeriyooday Hargeysa Iyo London

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Dhambaal Tacsi Ah u Diray Ehelada Ay Ka Baxeen Laba Marxuun Oo Ku Kala Geeriyooday Hargeysa Iyo London

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdiwaqooyi) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/12/2017, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland, isagoo ka mid ahaa waayeelka iyo waxgaradkii qaybta libaax ka qaatay marxaladihii kala duwana ee loo soo maray qaranka, kuna suntanaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Sidoo kale Madaxweynuhu isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Yoonis Cawaale oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 21/12/2017, Dalka Ingiriiska.

Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu soo qabtay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda Jamhuuriyadda Somaliland, wakhtigii dawladii Madaxweyne Silaanyo, waxaanu ka mid ahaa aas-aasayaashii xisbiga Kulmiye isagoo noqday gudoomiyihii u horeeyay ee xisbiga Kulmiye u magacaabo UK, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa golihii dhexe ee xisbiga, waxaanu kasoo qayb qaatay halgankii dib u xorreynta dalka, Marxuumku wuxuu in muddo ah u jiifay xanuunkan uu u geeriyooday xalay.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiintaa Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

   Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.