Hargeysa(GNN)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey, waxaanu sheegay inay adag tahay in Somaliland oo wali aan aqoonsi caalamiya helin in aan Maamulka Hawada lagu wareejin karo, waxaanu ku taliyey inay Xukuumaddu dhabihii ay aqoonsi kaga heli lahayd Beesha Caalamka raadiso.
Siyaasi Buubaa mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Mawqifka Xisbiga Waddani wuxuu ahaa in aanu haboonayn Saldhiga iyo inaynu dhex galno arimaha noocaas oo kale ah, oo khatar wadanka galin kara, markaas in la hakiyo Xukuumadda waanu ku taageeraynaa, waliba ma hubno in la joojinayo, ee waanu soo dhaweeynaa in la joojiyo”.
Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko in laga daba tago heshiisyadii ay Xukuumaddii hore ay gashay ayaa yidhi “Heshiisyadii ay gashay Xukuumaddii hore aad baa loogu talaxtagay, waana ogsanayn in Xukuumaddii hore ee Kulmiye arimo aad u fara badan in si gaar ah Wasiiraddii meesha joogay ay iskaga maamulanayeen, Xukuumaddani cusubi haddii ay arimihii ku soo jeedsatay oo ay wax ka qabanayso waa mid ay dadka oo dhami ka wada sugayeen”.
Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko kulankii Madaxda Waddani iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku jawaabay “Wey jirtay is arag Madaxda Waddani iyo Madaxweynuhu is arkeen, taasina waa wax la iska garanayo, Xisbiga Waddani-na waa Xisbi culus, mana aha Xisbi la dhayalsan karo, Doorashadiina cod aad u fara badan buu helay, isagoo ah Xisbi aad u da’a yar, oo muddo aad u kooban jiray, insha allaah Doorashada dambena dadaal ayaanu muujin doona, guulna waanu gaadhi doonaa, Doorashooyinka Dawladdaha hoose iyo Barlamaanka ee soo socdana rajo aad u fiican baanu qabnaa, Xisbiguna shaqada halkiisi ayuu ka sii wadi doonaa, codadka aqlabiyadana insha allaah waanu heli doonaa”.
Xigasho Geeska