War Naxdin Leh-Kharaasaha Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimashada Saddex Qof iyo Dhaawaca Laba Ruux+Halka Uu ka Dhacay.

Gabiley(GNN):-Isku dhaca laba gaadhi oo caawa abaaro 7;00 fiidnimo ka dhacay Galbeedka Magaalada Kalabaydh Gaar Ahaan deegaanka Xuunshalay Ee Gobolka Gabiley kaasi Ayaa Sababay khasaaraha Dhimashada Alle Ha u Naxariistee sedex qof Iyo Dhaawaca  laba Ruux oo kale .

Shilkan Naxdinta leh ayaa waxaa isku dhacay Laba gaadhi oo kala ah Noaha iyo Crown halka Markii Danbana Uu kusii dhacay Gaadhi sedexaad oo ah Land Cruser.

Wararka Aanu ka helayo Shilkan naxdinta leh ayaa noo xaqiijiyay Alleh Ha,unaxariistee in ay ku Geeriyoodeen sedexdii qof ee saarnaa gaadhi CROWNKA Ah oo dhalinyaro ahaa,

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daray in  aanay cidna wax ku noqon Gaadhi sedexaad Ee Land Cruserka ah  Balse sedexda qof ee dhintay ay saarnaayeen gaadhi crownka ah,

Gaadhi Noaha da ah ayaa la sheegay in laba qof oo sarnaa labada dhaawacan yihiin .

Dhaawac iyo maydadka dadkii shilkan wax ku noqday ayaa la keenay Cisbitaalka Magaalada Gabiley.