Wararkii Ugu Danbeeyey Ku Dhawaad 100 Tahriibe Oo Reer Somaliland U Badan Oo La Layahay Meel Ay Ku Danbeyeen + Ciidamo Military Ah Oo Xoog Kula Wareegay.

Tahriibayaal 100 Qof ku dhaw isla markaana reer Somaliland u Badan ayaa la layahay

meel ay ku danbeeyeen , wararka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in dhalinyaro Somali ah isla markaana u badan reer Somaliland oo tahriibayaal ah ay 19-kii bish November iyaga oo maraya saxaraha u dhaxeeya Liibya iyo Suudan ay gacanta ku dhigeen Militery-ga dalka Liibya , Kuwaas oo muddo 11 cisho ah la layahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen .

Dhalinyaradan oo rag magafayaal ahi ka kaxeeyeen dalka Suudan ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Militery-ga dalka Liibya in ay gacanta ku dhigeen , ka dib markii ay qabteen iyaga oo maraya saxaraha gaar ahaan dhinaca xuduuda dalka Libya .

 Shabakada wararka Ramaasnews oo Barta Facebook-ga kula xidhiidhay xalay Cabdirisaaq Xuseen Ismaaciil “Gaandaa” oo ah wiil dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda magaalada Burco oo wakhti xaadirkan ku sugan dalka Liibiya ayaa noo sheegay in dhalinyaradan oo tiradoodu ay dhamaayeen 86 dhalinyaroah una badnaa dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland gaar ahaana magaalooyinka Burco Hargeysa iyo Berbera ay 19-kii Bishan dhamaatay ee Noofeember ay ciidamo Milateri ah awood kagala wareegeen magafayaal watay oo ka kaxeeyey Suudaan,kuwaas oo magafayaashii watay dhalinyaradan iyo ciidamadii Milateriga ahaa is rasaasayn dhex martay,intaasi kadib ay awood ciidamadaasi kula wareegeen dhalinyaradan.

Cabdirisaaq Xuuseen Ismaaciil “Gaandaa” waxa uu noo sheegay in 9 kamid ah dhalinyaradaas ay ka baxsadeen ciidamada hadana ay ku sugan yihiin magaalo dhanka Waqooyi ka xigta caasimada Liibiya Tripoli,waxaana uu sidoo kale xusay in dhalinyadaasi inta kale ilaa hadda la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Dhalinyaro badan oo Somali ah ayaa si aada ugu dhibaataysan saxaraha Liibiya ,kuwaas oo jidh dil xoogan u gaysteen magafayaasha tahriibiya dhalinyaradda,waxaana baraha bulshada wareegaya maalmihii u danbeeyey dhalinyaro badan oo Somaliland oo muuqaalo laga soo duubay iyaga oo garaacaya isla markaana jidh dil xoogan loo gaysanayo si ay si deg deg ah ehelada dadkaasi usoo bixiyaan lacagta.

Dhawaan waxaan idinla wadaagi doona dabagal iyo baadhisna aan ku haynaa magacyada dhalinyaradaasi la la yahay meel ay joogaan,kuwaas oo ay si aada uga walwalayaan ehelada dhalinyaradani.