Wasiirkii Duulista oo Xilkii Ku Wareejiyey Wasirka Gaadiidka iyo Haruumarinta Wadooyinka oo uu Wehelinaayo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland

Hargaysa(GNN):- Wasiirkii Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa xilkii ku Wareejiyey Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Haruumarinta Wadooyinka C/laahi Abokor Cismaan oo ay welinayaan Wasiir Kuxigeenkiisa Sahal Maxamed Jaamac, iyo Maareeyaha Hay,adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodal.

Munaasibada xilwareejinta oo ka dhacday gudaha Madaarka Cigaal international Airport ayaa waxa goob jog ka ahaa Wasiirudawlihii Wasaarada Duulista Axmed Cali Maxamud (Baynax) Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista, qaar ka mid ah maamulayaasha Madaarada Dalka xubno ka mid ah Golihii Wasiirada Dawladii hore Xildhibaano, iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee Duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa ka waramay taariikhdii uu horumarka wasaaradda la soo maray waxaanu yidhi “Sharaf weyn ayey noo tahay inaanu maanta halkan xilka ku wareejino wax kasta oo aan nolosha aakhiro ahayna dhamaad ayuu leeyahay, dhamaadkaasi ayaa bilaw horleh u ah cida ILAAHEY u garto, waana masuuliyadaasi waxaan maanta wareejinayaa waxaanan ku dhawaaqayaa inaan maanta si rasmi ah u wareejinayo wasaaraddii duulista iyo gaadiidka cirka oo imika laga bilaabo noqonaysa iskuna rogtay hay’adda duulista madaniga ah iyo madaarada, wasaaraddu wasaaradaha ugu sareeya ee ugu tunka weyn ayey ugu jirtay qaranka, waxaanay wasaaraddu maamulaysay todoba madaar oo ay ka mid yihiin kuwa Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo, Kalabaydh iyo Boorame oo shaqaalahoodu uu ka badan yahay Afar boqol oo shaqaale ah ma hawl yarayn, waxaana mudadii aan xilka hayey ahayd sanad iyo woxoogaa, waana shaqo heegana oo u baahan inaad subaxdii kalahdo, lixda subaxnimo ayaan imanayey shaqada xafiiskii talefoonkayguna 24 saacadoodba wuu furnaa sababtuna na kalifaysayna waxa ay ahayd in waajibkaaga ah wax hawadaa maraya inaad masuul ka tahay”.

Agaasimihii Guud ee Wasaaradii Duulista Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey wasiirka cusub ee wasaaradda Gaadiidka iyo hururmarinta jidadka iyo maareeyaha hay’adda duulimaadyada loo soo magacaabay, isaga oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan iftiimiyo dadka jahawareer ayaa ku dhacay markii wasiirada la magacaabay ee wasaaradda duulistana laga dhex waayey, waxaan ku bilaabayaa wasaaradda duulistu afartii sano ee u dambeeyey waxa ay soo waday in la horumariyo xeer oo wasaaraduu isku bedesho Hay’ad Duulimaad, sida uu dhigayo xeerka ICAO iyo xeerarka kale ee dunida ka jira oo dhami, aduunyada waxa ka jira wasaaradda gaadiidka, waxaana wasaaraddaasi hoos taga Hay’addo ay ugu muhiimsan tahay hay’adda Duulimaadyadu, dalalka aad u waaweyna mararka qaarkood waxa ay samaystaan Hay’ad Airport, markaa maaadaam oo aanay garoonadeena diyaaruduhu aanay badnayn waxa dalka iyo dadkeenaba ku filan hay’ad duulimaad oo kaliya, markaa talaabadaa uu madaxweynuhu ku dhaqaaqay ee uu maareeyaha guud ugu magacaabay hay’addaasi mid imika bilaabantay ma ahayn ee waxa ay ahayd mid afartii sano ee aynu soo dhaafnay soo socotay, hay’addaasina waxa ay hoos tagi doontaa wasiirka wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay mid hoos tagta u noqon doontaa sida ay ugu tahay Hay’adda wadooyinku”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Mudane, Maareeye iyo wasiir wasaaraddii hore ee duulistu waxa ay ka koobnayd xarunta wasaaradda oo sideed waaxood ah, kuwaasi oo sideed agaasime waaxeed joogaan oo badankeedii munaasibada ku sugan yihiin oo uu ugu da’ weyn yahay agaasime saqiiro oo ay maareeyaha cusubna isku fasal ahaayeen oo muddo konton sano ku dhaw soo shaqaynayey, waxa wasaaraddii hore ee duulistu ay maamulaysay todoba garoon oo ay laba yihiin kuwa caalami ah, kuwaasi oo kala ah Madaarka Berbera iyo Hargeysa iyo shan garoon oo aan caalami ahayn oo min Laascaanood ilaa Boorame ah, shantaa garoona waxa ka shaqeeya garoonka Laascaanood oo ay maalintii degaan diyaarad Cargo ah oo ka timaada Nairobi, mudadii hore ee madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wasaaraddani waxa ay ka mid tahay wasaaraddaha ku talaabsaday horumarka aadka u laxaadka weyn”.

Mareeyaha cusub ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Cabdi Maxamed Rodol oo munaasibada ka hadlay ayaa waxa uu shaqaalaha kula dar daarmay in la isku tashado oo wax la wada qabsado, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wakaaladan haddii aad Internetka gashaan aduunka oo dhan ma laha wasaaraddo Duulimaadyadu waxa ay leeyihiin Wakaalado duulimaad, waxaanan filayaa Masar iyo wadan kale uunbaa ka leh, waxaan aad iyo aad uga xumahay Air Traficks ka imika la leeyahay waa la tababarayaa 1965-kii markaanu Jarmalka ka soo noqonay Saqiiro iyo Xasan Gaas ayaa ka hawl gali jiray, waxa la yaab leh wixii barigaasi la samaynayey in maanta la leeyahay tababar ayaa loogu jiraa, ICAO waa hay’ad caalami ah waana hay’ad loo baahan yahay oo iyadu wakaalad maaha had iyo goor lacagta ay wax ku maamulayso ajanabi ama dawlad kale ayaa bixisa, markaa wixii laga faa’idaysan karo waa in laga faa’idaystaa, ICAO waan u shaqeeyey Jabuuti ayaan uga shaqeeyey, markaa hay’addaasi waa ay faa’iido badan tahay waa Khayraad badan ayey leeyihin oo dadka khabiirada ah ayey isticmaalaan, nasiib darro ka Muqdisho-na iyaga ayaa maamula, markii aynu lahayn hawada ayeynu la soo wareegaynaa hawada lalama soo wareego ilaa la ina ictiraafayo, markii Muqdisho qalabka la keenayey ayaa waxa ay hay’addu tidhi halkaasi ayaa la idiin gaynayaa haddii lacagtu idinku yaraatana waa la idiin kordhinayaa, waana ceeb oo la inama xukamayee waa aynu la shaqaynaynaa, waana aynu isku tashanaynaa sida aynu isugu tashanayna waan idiin sheegayaa khudbadaha waa aynu yaraynaynaa xafladahan aynu fadhino qudhigeeda wakhtibaa inaga baxaya oo dadkan fadhiyaa shaqadoodii ma soconayso”

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta wadooyinka Cabdilaahi Abokor Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddii iyo xisbiga uu ka tirsan yahay horumarkay madaarada ka samaysay ku faanayo isaga oo arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaynu joognaa xaflad sune ka mid ah sunayaasha dawladda xilka umadduna waa meerto oo maalinba qof ayaa lagu tijaabiyaa maalin maalmaha ka mid ahna Insha Allah sidan ayuunbaanu anaguna ugu wareejin doonaa masuul ka mid ah masuuliyiinta Somaliland, markaa waa sunaha dawladnimo in maalinba qof lagu tijaabiyo inuu halkaa ka sii wado hawsha qaranka ee socota, waxaanan aad ugu faraxsanahay in xukuumaddii iyo xisbiga Kulmiye ee aan ka tirsanaa horumar balaadhan ka sameeyeen horumarinta madaarada”.

Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta wadooyinka Sahal Maxamed Jaamac oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan idiinka sheegayaa dadka halkan la kala wareegayaa waa dad isku xukuumad iyo isku xisbi ah waana aynu is nasinaynaa oo kaliya, wixii la soo qabtayna waa ku faanaynaa waxa qabtay xukuumadayadii iyo xisbigii aan ka midka ahayn”.

Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Mudane Maxamed Yuusuf oo munaasibada ka hadlay ayaa ka waramay horumarka madaarka Hargeysa sameyey waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Sida aad la wada socotaan wakhtigii ay xilka la wareegtay Dawladii hore ee uu hoggaaminayey madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo maanta halka uu marayo faraqa u dhaxeeya inaan ka warbixiyo ayaan jecelahay , waxaanu la wareegnay iyada oo hab nidaam, sharci iyo waxyaabaha kale ee lagu qiimeeyo madaarada caalamiga ah ee aduunka aanu dhameystirnayn, waxaana nasiib wanagsan ah in waxyaabaha taariikhda wanaagsan ah ee uu ka tagay Madaxweyne Siilaanyo uu kaw ka yahay Egal Internation Airport”.

Ismaaciil Cabdi Xasan oo ku hadlayey shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka hawl gala madaarka ayaa isna waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala madaarka caalamiga ah ee Cigaal, sida laga dhawaajiyey waa afar shirkadood inta aan ka shaqaynayey, waxanu aad u soo dhaweynaynaa wasiirka cusub wasiirkii horena waanu sii sagootiyeynaa, sidaa laga dhawaajiyeyna wasiirada hore ninba meel ayuu soo gaadhsiiyey oo horumarka iyo indhaha wadankuna waa madaarada, marka laga soo dagayo qof walba waa halka laga qiimeeyo”

Masuulka ku hadlay Afka shirkadaha diyaaradaha isticmaala madaarka ayaa masuuliyiintii wasaaradda soo maray ku amaanay sida ay horumarka uga sameeyeen duulimaadyada iyo fududaynta rakaabka diyaaradaha

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa soo dhaweeyey masuuliyiinta cusub ee la magacaabay, una mahadnaqay masuuliyiintii hore, isaga oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan idhaahdo ku soo dhawaada, garoonkana diyaaradahana waxaan doonayaa inaan uga mahadnaqo Axmed Siilaanyo tacabkii badnaa ee uu galiyey, Maxamuud Xaashina waxaan uga mahadnaqayaa inuu ahaa wasiirkii ugu wanaagsanaa ee amarka madaxweynaha iyo hindisaha madaxweynaha sidii ugu quruxda badnayd u fuliyey, Farxaan oo halkan jooga iyo saaxiibkay Cumar Yare oo ka horeeyey, labadana waxaan uga mahadnaqayaa inay halkii ka sii wadeen”.

Wasiiru dawlihii hore ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Axmed Cali Maxamuud (Baynax) ayaa isna hadaladiisii waxa ka mid ahaa “Waxaan leeyahay xil wareejinta halkan ka dhacaysaa ee qiimaha badan waxa yaala uun sadex qodob oo kala ah soo dhaweyn, warbixin iyo talo soo jeedin, waxaanu aad iyo aad u soo dhaweynaynaa hadaanu nahay bahdii wasaaradda duulista iyo hawada wasiirka cusub Cabdilaahi Abokor iyo maareeyaha cusub ee hay’adda Duulimaadyada Maxamed Abyan aad iyo aad ayaanu idiin soo dhaweynaynaa”.

daawo muuqaal hoos guji