Xog-Ururinta Waxyaaba Ka Hirgalay Qorshaha Waxqabad ee Dawlada Hoose Gabiley Sanadkan Dhamaadka…By A/kadir Farah.

“Waxaanu Dhisnay Garoonka Mo Farah, Guryo Ganacsi, Saldhig Cusub Oo Kalabaydh ah iyo Wadooyin Tiro Badan” Mayir Maxamed Amiin.

Gabiley:-Maayirka caasimada gobolka Gabilay Muddane Maxamed Aamiin Cumar Cabdi ayaa ka waramay waxqabkii u qabsoomay sannadkan sii dhamaanaya ee 2017-ka. Maayirka oo Xogwaraysigan uga Waramay Saxafiyiin Madaxbanaan oo Wax Ka Qora Arrimaha Bulshada  ayaa xusay in sannadkan ay u qabsoomeen waxqabad tiro badan, si gaar ahna iskugu duba dhacday una qabsoontay qorshihii ay ku tallo galeen bilowgii sannadkan.

Waxaana Sidoo Kale uu Si Guud Uga Waramay Dhinaca Baahiyaha Arrimaha Bulshada iyo Sida Ay Dabooleen Waxyaabihii Muhiimka u ahaa Nolosha dadka Deegaanka.

Maxamed aamiin oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: “dhab ahaantii sannadkan waxay ahayd mid aanu qabanay wax badan, waxaanu hirgalinay waxqabad tiro badan oo aanu qorsheynay bilowgii sannadkan”.

Maayirka ayaa sheegay inay sannadkan oo kaliya hirgaliyeen mashaariic tiro badan oo ay kamid ahaayeen: “Garoonka loogu magacdaray orodyahan Mo Farah, Biriijka iyo wadada tagta isla garoonkaasi, wadooyin dhawra sida, ta halbawlaha magaalada ee isku xidha masjid jaamaca iyo wakaalada, wadada isku xidha labada garoon ee badhtamaha magaalada. Dhanka kale waxa uu sheegay inay hirgaliyeen mashruuca iftiiminta magaalada oo ay ku xidheen solarka, samaynta guryaha ganacsi ee ay hirgaliyeen, libreriga iyo iyagoo dhigay marmar meelo kala duwan. Dhanka amaanka maayir Maxamed Aaamin ayaa sheegay inay qayb wayn ka taraan hawlgalada amaan ee gobolka, islamarkaana ay hirgaliyeen rug cusub oo saldhig oo ku taala Kala-baydh. Dhanka kale maayirka ayaa sheegay inay tabobaro joogta ah siiyeen shaqaalaha dawlada hoose kuwaasoo si joogta ah loogu tayeeyo xirfadooda shaqo. Mar uu ka waramayey maayirku dhanka guryaynta, hanaanka cashuraha ee dawlada hoose waxa uu tilmaamay inay hirgaliyeen diiwaan galinta dhamaan guryaha dawlada hoose ee Gabiley, ku dhejinta Bilaydh numberka ee guri kasta taaso waxwayn ka tari doonta hanaanka cashuur ururineed iyo qaabaynta magaalada.

Ugu dambayn maayirka ayaa sheegay inay  ku rajo wayn yihiin sii kordhinta mashaariicda horumarineed ee degmada Gabiley islamarkaana ay u qorshaysan tahay inay dhisaan goobo kale oo badan.

 

 

Freelance Journalist

A/Kadir Jama.