Abwaan Xassan Dhuxul laabsaalax Oo Dareen Damqasho Leh Kula Wadaagay Qoys Ka Kooban 13 Caruur Oo Ka Tagay Alle ha u Naxariistee Abwaan Caan Ahi.

Abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax Oo Qoraalka iyo Muuqaalkan Soo Dhigay Barta Uu Ku Leeyaha Facebook Ayaa Dareen Ay Ku Dheehan Tahay Tiiraanyo Iyo Naxdin La Wadaagay Qoyskan Waxaana Uu Bulshada Muslimiinta Ah Ka ugu Baaqay Inay Caawiyaan Waxaana Uu U Dhignaa Sidan:-Waa Ubad Hablo u Badan oo Tiradoodu Dhantahay- (13) Sadex-iyo Toban caruur ah, oo ay Qaangaadheen Laba ka Mid ihi, Waxa Dhex Fadhida Hooyo Wajigeeda ay hadhaysay Murugo iyo warwar aan Lagu Sawiri Karayn Qoraal iyo sheeko-toona
– waxa Kale oo La Jooga, ama garab fadhiya Dhawr dumar ah oo u yimiday TACSIDA aabihii gurigan oo Aaskiisa sodon Daqiiqo ka hor laga soo Dareeray-
si aan u soo tacsiyadayno ubadka iyo hooyadood ayaanu tagnay hoygii ama gurigii ay kaga Noolaayeen Magaalada Boorama ,
balse way igu Adkaatay xaalada Nololeed ee ubadka inaan hoos u waraysto, maadaama ay iiga marag kacayaan Nolosha Labada buul ee ubadka intaa leegi ku Noolyihiin- oo waliba La ii sheegay Afar cisho ka hor in qoladii dhulka lahayd ay ku dul iibisay oo aan ilaa imika aanay jirin meel la Dajiyo iyo dhul loo raro-toona,
xaalada caynkaas ah markii indhahayga aan soo saaray waxa markiiba igu soo dhacay hadaladii, amaantii iyo
taariikhdii xabaasha guudkeeda ay dadkii aaska ka soo qayb galay shubayeen ood moodo in ubadka noloshooda iyo marxuumka geeridiisa aanay is ku Qiyaasin
Caruurtan Aabohood galbaday ee saaka geeridu ku soo xaadirtay- waaa UBADKII #ABWAAN_AFGUDHIYE ood magaciisa iyo suugaantiisaba aad maqasheen-
ilaahaybaa deeqda baxshee ubadka gargaarka iyo garabka kaaga baahan ee marxuumku ka baxay- waa kuu sadaqo wixii aad Tartaaba-
fadlan ilaahay barakada ha kugu labeeyee- la xidhiidh samatar Faarax maygaag- 00252634410022

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka.