Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Sheekeeyay Kaalintii Madaxda Dalka Jabuuti Ku Lahaayeen Dib U Dhiskii Somaliland .

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi  oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa ka hor intii aanay halkaas kasoo ambo bixin waxa ay habeenkii xalay kulan is-xog-waraysi ah oo ballaadhan la qaatay jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas ku dhaqan, waxaana uu jaaliyadda la wadaagay xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi oo sharraxaya kaalintii ay madaxda dalka Jabuuti ku lahaayeen dib-u-dhiskii Somaliland iyo nidaamintii kaabayaasha nolosha aas-aasiga ah waxa uu yidhi, “Waxaa kale oo aan idiin sheegayaa taariikhda da’ayarta markii aanu dalka soo galnay hadaanu SNM ahayn oo guri jirin oo raashin jirin oo aan biyo jirin oo Cisbitaal jirin oo meel Istaashin Booliis ahi jirin, oo meel tuuga iyo wax ka wada lagu xidhaa aanay jirin waftigii ugu horeeyey dal aanu tagno Jabuuti bay ahayd, Anniga, Duqsi iyo Cumar Boobe Xandule duqsi baa na hogaaminayey, Alle haw naxariiste Xaaji Xasan Guuleed baanu u tagnay wuxuu u ogalaaday markiiba maxaa idiinku daran buu yidhi biyo la cabo baanu nidhi Teenkii Geed deeble mishiinadii la geeyey halkan baanu ka qaadnay, mishiinkii u horeyey ee laydhka shiday Kambanigii la odhan jiray Soltelco isgaadhsiinta ugu horeeyey waxa uu ahaa Talefoonkii hore ee Jabuuti oo markaa la bedelaayey baanu maalintaana rarnay waa taariikh taala iyo dadku waxay isu ahaayeen oo aan layga sheekaynayn aan goob joog ka ahaa anigu, waxaa ka horaysay marar badan oo Jabuuti dhibaato ka dhacday oo Hargeysi usoo gurmatay oo Lixdamaadkii ilaa iyo kasoo qaad tii Xarbi ilaa iyo kasoo qaad Buduryeelkii markasta oo la jabo sidaasaa laysu ahaa dadku waxaas bay isu ahaayeen intaasi waa iga xasuus, walaalayaal waxaynu nahay maanta dad mida , xagga dhaqaalaha iyo horumarka Jabuuti maanta ku horaysa insha Allaah Soomaali oo dhana waydun u gurman kuwan soo sokeeya ee aad walalaha tihiina xoog baydun usoo gacan qaban doontaan.”

Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Sheekeeyay Kaalintii Madaxda Dalka Jabuuti Ku Lahaayeen Dib U Dhiskii Somaliland.