Macalinka Lagdanka Iyo Qalaamo roggadka C/rixiin Sh.Cali Ayaa ka Warbixiyay Socod iyo Dhoola tus ay Arbacadii Magaalada Hargeysa Ku soo bandhigeen.

Macalinka Lagdanka Iyo Qalaamo roggadka C/rixiin Sh.Cali Ayaa ka Warbixiyay Socod iyo Dhoola tus ay Arbacadii Magaalada Hargeysa Ku soo bandhigeen.
Aqoonyahan C/raxiin Sh.Cali
Mar uu Macalinku Noo Waray ayuu Sheegay inay Socodkaa iyo Dhoolo tuska Ku lamaanaa ay uga danlahaayeen Wacyi galinta iyo is dhex galka dhalinyarada iyo sidii looga Wacyi galin lahaa Aafada Daroogada Qaadka, Qabyaalada, iyo Tahriibka Waxaanu Macalinku yidhi” Waxaan Socod lug ah ka soo bilownay Ishaarada ilaa Aanu ka soo gaadhnay Khayriyada,Ayaa anagoo kooxda Lagdanka iyo qalaamo roggadka Somaliland ayaa Waxaan si Mutadawacnimo ah iskugu Xilqaanay inaan dhalinyaradaya Aanu Wacyi galino,
iyadoo aanay jirin Cidna Caawinaysa”.Waxa kale oo uu Macalinku Hadalkiisa Ku Sii daray
” Waxan soo bandhignay Ciyaaraha Qalaamo roggadka iyo Midnaga mida oo Afka Dab ka Tuurayay Marna liqayay,Ku soo bandhigayay Giraamaha Faraha Badan ee la Wareejinayo iyo Anigoo Ku labisnaa Calanka Somiland Looxaana Ku dul socday,Waxaan u Mahad naqayaa Wasiirka Ciyaaraha oo Hawsha nagu barbar taagnaa Maalintaana Na dhinac socday iyo Taliska Ciidanka Wadooyinka oo Haad Wada ka mida Noo Xidhay Si aan Hawlahayaga ugu Wadano”.
Mar Wax laga Waydiiyay Waxa u Qorshaysan Xidhiidhkoodan lagdanka iyo Qalaamo roggadka Wuxuu Macalinku Ku Jawaabay Inay u Qorshaysan Tahay inay Socdaal Ku Tagaan Magaalada Wajaale oo ay Wacyigalin dhinaca Maandooriyaha ah ka Soo Samayn doonnaan iyagoo Wixii intaa ka danbeeya ay socdaalo ku gaalaa bixin doonaan Haddu Wakhtigu u saamaxo Qaybo badan oo dalka ah.

Dhanka kale Waxuu Sheegay In Markii Uu Havoyoco u Shaqaynayay Lagu qabyaaladeeyay oo Shaqada looga Saaray Qabyaalad qaawan oo Masuuliyiinta Hayada Havoyoco ula yimaadeen,Maantana ay Samaysteen Qayb ay leeyihiin Waxaan kula dagaalamaynaa Qabyaalada, Taasi oo uu Sheegay Inaanay Suurtagal ahayn.Waxa kale oo uu ka Hadlay in Maanta Loo baahan yahay in dhalinyaradu ay isku tashadaan oo ay Is Maalgaliyaan isna Gacan qabtaan,Kuna Fikiraan sidii ay horumar u gaadhi lahaayeen Wuxuu yidhi”Waxaan Ahaa Macalimiintii hore ee Circuaska Ee ku dadaashay in dhalinyarada laga Wacyi galiyo Qabyaalada iyo balwadaha Xun Xun,Waxase nasiib daro ahayd in Wixii Aan dadka ka Wacyi galinaynay Inuu nagaga yimaado Madaxdayadii Havoyoco oo Teamkayagii nala soo galay Maantana naleh Qabyaalad baan la Diriraynaa Waa Waxaan Suurta gal ahayn Ayaan Leeyahay ka Macalin C/kariin ahaan”.
waxa kale oo uu aqoonyahanku la hadlay dhalinyarada Dalka Waxaanu yidhi”Waxaan leeyahay dhalinyaradu ha isku tashato oo ha isgacan qabtaan siday horumar uaadhi lahaayeen Iyagoo Allahooga u talo saaranaya”.
Macalin Aqoonyahan C/raXiin Sh.Cali Maxamed.