DAAWO:Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti

Hargeysa()Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynuhu uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport, salaan sharafna ka qaatay cutub ka mida ciidamada.

 26231820_747407202124207_5930675890625047455_n 26239715_747407142124213_4958310513961926411_n (1) 26239715_747407142124213_4958310513961926411_n

Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona maalmo kooban, waxaana marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu safarkani noqon doonaa mid sii xoojiya wada shaqaynta labada dal ee walaalaha isla markaana jaarnimadu ka dhaxayso, iyadoo ay labada madaxweyne ka wada hadli-doonaan xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Waxa Safarka ku wehelinaayey:

1.      Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire

2.      Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Md. Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon)

3.      Wasiirka Caddaalada, Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye

4.      Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan

5.      Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo guuto  Cabdi Xirsi Ducaale

Sidoo kale waxa safarka madaxweynaha ka mid ahaa:

1.      Weriye Ridwaan Caydiid Ismaacil (Akiid)

2.      Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Eagle)

              Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

 

Hargeisa – Republic of Somaliland