DAAWO:Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Gaadhay Fadhiisimaha Ciidamada Qaranka ee Tukaraq.

Halkan Hoose Ka Akhri Warka Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Gaadhay Fadhiisimaha Ciidamada Qaranka ee Tukaraq.

 Hargeisa(GNN):-Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici  oo saaka hiirtii waaberi ka jarmaaday magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta gaadhay deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga  Ciise Axmed Yusuf ,  Wasiirka Wasaaradda kheyraadka Biyaha Saleban Cali Koore  iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland ayaa maanta gaadhay deegaanka Tukaraq oo dhawaan ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland si nabadgalyo ah ugala wareegeen maleeshiyaad ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  markii ay gaadheen magaaladda Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka Gobolka Sool iyo Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taanni oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa gobolka Sool kuna hawlanahaa dejinta Ciidamada  Qaranka maadaama ay ka guureen Fadhiisimihoodii hore ee deegaanka Gambadha.

Madaxweynaha ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Qaranka ayaa salaan ka qaatay qaarka mid ah Ciidamada Qaranka oo ku sugan Jiida Tukaraq, Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale  warbixino kala duwan ka dhagaystay Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee ku sugan jiida hore.

Taliyaha Ciidamadda aagga  bariga Jamhuuriyadda  Somaliland Janaraal Cali Barre Xuseen iyo Taliyaha Ciidamada aagga Tukaraq Gaashaanle Sare Yuusuf Aadan Nuur (Yusuf Marduuf)  ayaa Madaxweyne ku xigeenka faahfaahin ka siiyay fadhiisimaha Ciidamada Somaliland, nabadgalyada deegaanka Tukaraq iyo Wakhti xaadirkan Cabirka aanay gaadhin ee ka dhiman  Jamhuuriyadda Somaliland oo ah 70 KM.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Nuux Ismaciil Taanni ayaa isagu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland sharaxaad ka siiyay  xiisad mudooyinkii ugu dambeeyay ka jirtay deegaanka Waxaannu yidhi “ mudane Madaxweyne halkan waxaa joogga ciidankii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibkiisii Qaran,  halkan naga soo horjeeda waxaa joogga ciidamo lagu soo ururiyay.  Kolay anaggu laba dhanba dhib lama rabno. Kuwaasna waa dadkaygii kuwana waa dadkaygii  laakiin waxa laysku maandhaafsan yahay waxa weeye waar xadkaygii baan tagayaa iyo tagi maysi.”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland  Ciise Axmed Yusuf ayaa sidoo kale fariin u diray dowlada Somaliya oo uu sheegay inay kusoo xadgudubtay Xuduudihii Somaliland waxaannu yidhi “ Colaad inagu ma wadno, wixii waajib dastuurku na farayay masaafo intaa le’eg baan u jirnaa oo  daakhilka kagaga jirnaa xuduudaheenii , qolada hada inaga soo horjeedana waxaan leenahay waar colaad ninna kuma caanno maalo , Wixii inaga gaadha khasaare uun baa ka kordhaya , “xaqiiqdu waxa weeyaan nabadbaa nin kasta deeqda , Waxaynu ku caano maalnay oo Somaliyadaa hada wareersan kagaga duwan nahay waa xasilloonida iyo nabadgalyada aynu todobada iyo labaatan kaa sanno ku caano maaleynay hadana tii baynu bud-dhig u nahay oo ugu baaqaynaa cidii taa nagala garanweydase waa lays arki doonaa”.

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mahadnaq u jeediyay Ciidamada Qaranka Somaliland sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dibjireen difaaca dalkooda iyo ilaalinta guud ee nabadgalyada Qaranka Somaliland, “ dhulkii Somaliland oo aan xuduudi ka dhaweyn ayaad joogtaan maanta aad iyo aad baan idinka mahadcelinayaa sida aad heeganka ugu tihiin difaaca qaranka , Waxa aan maanta idiinku imanay oo halkan u soo joogsanay colaad maaha, Waxaannu u nimi inaanu idiin mahadnaqno oo idin baarigno, waxaanu kaloo u nimi innaanu idinku waanino inaad dhowrtaan oo caawisaan  shacabkiina  aad la joogtaan”.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa Ciidamada Somaliland u soo jeediyay inaanay  wax dagaal ah dhankooda uga tahay cidkasta oo hada ku sugan Xuduudaha Somaliland balse ay isdifaacaan oo kaliya waxaannu yidhi “ Xudduud ka  dalkeena intaa inoo dhiman waxaynu uga joognaa inaga oo dhowreynaya inaanay dhibaato dhicin iyo inay magaalooyin maanta degen oo  walaaleenaa Soomaliya ah ee aynu jaarka nahay inay dhibaato ku timaado ayaynaan jecleyn”.