Akhri:Daladda Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) oo Baaq Talo Bixin ah ka Soo Saartay Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya 

Taariikh: 26/02/2018

Tixraac: SSE/DK 071/26022018

Daladda SSE talo  ahaan  sida  ay  u aragto  wadahadalada    Somaliland   iyo   Somaliya 

Sida   aydin  la  wada  soctaan   waxaa  dhawaan   mar   kale   dib  uga  bilaabmaya   dalka    Jabuuti  wadahadaladii   mudada  dheer    u socday   J.  Somaliland   iyo  Somaliya   ee  fashilmey  isla  iyo  markaana  aan habayaraatee   waxba  ka  hirgelin   ugu  danbeyntiina   ku  xidhmey  najiito la’aan ,  hadaba  iyada  oo aan   6 dii  qodab  ee ugu  danbeeyey ee  Jabuuti  lagu  kala  saxeexdey oo koobsananeyey  wadahadladii  oo dhan  isla  iyo  markaana   ay  saxeexeen   labadii  madaxweyne    ee  wakhtigaa      M.M. Siilaanyo iyo   Xasan  Sheekh    aan  la  fulin  sidee  ayey  surtagal  u  tahay  in  wadahadal  furmo   mustaqbalkana   laysu  aamini  karaa ! .

Wada-hadalada hore u qabsoomey

Waxaynu ogeyn markii la isugu yimid Shirkii caalamiga ahaa ee Somaliland ay kaga qayb gashay Magaalada London 23kii Febraayo sannadkii 2012kii, kaasoo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdi uu hoggaaminayaa ay ka qayb galeen.Mid ka mid ah go’aanadii ka soo baxay shirkaa caalamiga ah ayaa ahaa in wada-hadal u bilaabmo Somaliland iyo Soomaaliya si looga wada hadlo arrinka ama qadiyadda Somaliland ay dib ula soo noqotey madax-banaanideedii  iyo xidhiidhkooda  mustaqbalka ..
Tan iyo wakhtigaa waxa qabsoomay shirar kala duwan, Saddex ka mid ah waxa ka qayb galey Madaxweynayaasha labada waddan, Waxa xusid mudan in kulankii ugu horreeyay ee lagu qabtey magaalada London 20-21 kiin June inuu ka duwanaa kulanadii ka dambeeyay. Ugu horreyn waxa kulankan soo qabanqaabiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska oo ay wehelinayaan waddanka Norwey iyo ergey guud oo ka socdey EU. Waxa uu ahaa kulan culeyskiisa leh Dallada SSE waxay qabtaa dareen ah in kulankaa lagu lumiyey fursad dahabiya oo ina soo martey. Maadaam kulanka ay marti geliyeen labada waddan oo Yurub ah iyo ergey ka socda EU waxa khalad taariikhiya aheyd in ergadii ka socotey Somaliland ay ogolaatey markiiba in labada wafdi ay keligood ay arrimahooda wada xaajoodka ay iyagu dhammaysanayaan isla markaana aan loo baahneyn in cid weheliso. Waxa kale oo isna khalad taariikhiya ahaa in wada-hadaladii kaa ka dambeeyay uu waddanka Turkiga oo keliyi oo isugu ku keliyaystey oo abaabule iyo xidhiidhiyaba ka ahaa. Waxa la odhan karaa halkii ay markaa Somaliland is-dhigtey ayuunbaa lagula macaamilayay.

Dallada SSE iyada oo ka duuleysa duruufaha maanta ku xeeran ama ku gedaaman wada-hadalda hore u fashilmay ayaa waxa aanu ku talinaynaa:
1- In dib daraasad ay Somaliland ugu samayso dhammaan wada-hadaladii aynu soo marnay si mustaqbalka miiska loo soo dhigo sida ay Soomaaliya si badheedh ah u burburisay wada-haddaladaa.
2- In aan wax wada-hadal ah dib loo bilaabin ilaa iyo inta Soomaaliya ay ka waantoobayso ficilada fashiley wada-hadalkaa oo ay u horreyso khiyamada ku salaysan aynu wada-hadalno, isla markaana aan maalin kasta soo abaabulo wax ka dhan ah qaddiyada Somaliland iyo dareenka dadka reer Somaliland.
3- In haddii dib loo bilaabayo wax wada-hadal dambe ah in aan la ogolaanin in waddanka Turkiga , iyo wadamo kale aan  dhexdhexad  noqon  karin  oo keliya uun farsamo ahaan noqda wadahadalada, balse wixii dhexdhexaadin ah ee dambe laga codsado sidii bilwogii ay ku bilaabantahay waddamada kale ee arrimahan xog-xgogaalka u ahaa sida UK, Norway iyo EU.
4- In dowladda Somaliland ay xaqiiqdo waajahdo taasoo ah baahida mahuraanka ah ee loo qabo sidii loo heli lahaa wada-hadalo ku salaysan qorshayaal leh qaab hufan oo la raaco oo ay dhexdhexaadin iyo markhaati ka yihiin waddamada UK, Norwey iyo EU.
5- In dadka reer Somaliland mucaarid iyo muxaafidba gaar ahaan Golayaasha Qaranka iyo Axsaabtu ay arrinkan ka mideysnaadaan isla markaana xukuumadda lagu taageero inay mawqif adag oo bilaa naxariisa ay ka qaadato cid kasta oo baal marta.

Waxaa hubaal ah inta wadahadaladu  socdaan ee aan  lagu  heshiin  amaba  lagu  kala tagin in aaney  dhici karin dawlad Somaliland  ictiraafeysa oo ku  dhexdhacaysa  wadahadalo  socda   ,  sidaa daraadeed waxa  haboon  in  wadahadaladu aaney  noqon  qaar  jiitama  ee  lagu  dhiirado  lagana  hadlo arimaha  masiiriga  ah isla iyo  markaana  la  soo  afjaro.

Gebogebo:

Dib u xaqiijinta Qaranimada Somaliland waa mid ku yimid halgan dheer oo qadhaadh iyo rabitaanka iyo codka shacabka mana aha mid u cuntamaysa wax ka hooseeya ama ka yar qaran madaxbannaan iyo in ay noqdaan laba dal oo jaar ah oo la kala yidhaa Somaliland iyo Somalia.   Wax ama shay banii’aadam maanta adduunka ku hantiyo waxa ugu qaalisan waa xorriyad iyo madax-banaani , qaranka Somalilandna  dad kumanyaal ah ayaa naftooda ku waayay. Kumanyaal kale oo jooga ayaa naafo jidheed iyo mid maskaxeedba maanta la nool.i. hadiiba’se  wadahadalada   dib   loo  bilaabayo  waxaa      haboon  in  wadahadaladu    ka  bilaabmaan   lagana  anba  qaado  halkii ay  taagnaayeen    iyo  qodobadii   ka  soo  baxay  21/12/2014  shirkii  Jabuuti  lana  hirgeliyo   wixii  hore   ee  lagu  heshiiyey.

Alle ayaa mahad leh,

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

www.sseuro.com

Tel:  +45 25 53 93 15